Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Maxaa Sababay Loolanka u dhaxeeya Dowlad Goboleedyada iyo DFS, Muxuu dastuurku a qorayaa, Sideese Loo Xalin Karaa?

Soomaaliya waxay si rasmi ah ugu dhawaaqday inay federal tahay sanadkii 2004 tii dowladii lagu soo dhisay Embegati, waxay na ahayd wax ku cusub dhamaan gayiga soomaalida, wax faham ahna kama haysan waxa uu yahay federal iyo qaabka ugu haboon ee uu soomaaliya uga hanaqaadi karo isagoo an dhaawac  u geysan midnimada iyo qaranimada soomaaliyeed.

Hadaba labo iyo toban sano kadib oo soomaaliya federal ahayd wali madaxda iyo dadka soomaaliyeed way ku jahwareer san yihiin  waxa uu federal yahay iyo qaabka uu u shaqeeyo taasina waa mida dhalisay qodobka qormadeenu ku saabsan tahayee kala dambayn la’aanta iyo tartanka u dhexeeya dowlada Federaaliga iyo dowlad goboleedyada, in la fahmo mabaadi’da Federaaliga iyo qaabka uu u shaqeeyo waxa inakaga filan inaga oo dastuurka u laabana kuna dhaqana waxa ku qoran.

MAXAA SABABAY LOOLANKA?

In dowlada dhexe looga damayn waayo awoodihii u gaarka ahaa dowlad goboleed walbana isu arko mid madax banan oo wuxu rabo samaysan kara ciduu rabana heshiis la geli kara waxa keenay qodobada hoos ku xusan

1:- Dastuurki dalka oo noqday mid an lagu dhaqmin: Qodobka 51 aad faqrada afraad ee dastuurka Federaaliga soomaaliya  wuxu lee yahay “Dhammaan heerarka Xukuumadda waxaa waajib ku ah inay u hoggaansanaadaan Dastuurka dalka, ayada oo aan heerna isa siinayn awood ka baxsan kuwa Dastuurku siiyey” hadaba markaan baaritaan dheer sameeyey waxa iisoo baxday in dowlada Federaaliga iyo kuwa dowlad goboleedyada ba midna aanu ixtiraamin dastuurka ee mid walba isa siiyay awood ka baxsan tii dastuurku siiyay,. Tusaala ahaan:-

  1. A) Qodobada dastuuriga ah ee dowlad goboleed yadu ku xad gudbeen:-

Qodobka 54 aad ee dastuurka dalka waxa uu u qeexayaa “Awood-qaybsiga siyaasadeed iyo dhaqaale waxaa ka wada xaajoon doona Xukuumadda Federaalka iyo Dawladaha ka mid noqonaya Dawladda Federaalka Soomaaliya marka laga reebo: A) Arrimaha Dibadda; B) Difaaca Qaranka; C)Jinsiyadda iyo Socdaalka iyo D) Siyaasadda Lacagta, oo ay awooddeeda iyo mas’uuliyaddeeda yeelaneyso Xukuumadda Federaalka.

Afartaas awoodood ee dastuurku sida gaarka ah u siiyay dowlada Federaaliga sadex kamid ah waxa si cad ugu tuntay dowlad goboleedyada oo si isdaba joog ah an u aragno inay awoodahaas isa siiyaan taasina waxay noqonaysaa inay jabiyeen dastuurki dalka u yaalay waxana ka mid ah awoodaha ay sida sharci darradaha u isticmaalaan  dowlad goboleed yadu:

Arrimaha dibadda

Galida heshiisyo caalami ah iyo ka qayb galida shirar an dowlada dhexe lala socod siin waa dabeecad joogto u noqotay dowlad goboleedyada qaar kamid ah, iyadoo dastuurku wixi quseeya  arrimaha dibadda u xilsaaray dowlada Federaaliga in laga tilaabsado oo dowlad goboleedku isku dhereriyo dowlada Federaaliga ah isuna arko inu xaq u leeyahay shaqadas inuu qabto waa midka kamida fahan la’aanta soomaalida ka haysata waxa uu federalku yahay.

Difaaca Qaranka

Dowlad  goboleedyada qaar ciidan ahaan waxay isu arkaan inay ka madax banana yihiin dowlada Federaaliga, mana saamayso hadi dowlada dhexe soo saarto amaro ku aadan ciidamada taliyayaasha ciidamadooduna waxay toos uga amar qaataan madaxweynaha dowlad goboleedka, dowladad goboleed yada qaar waxay leeyihiin nooc kasta ee ciidan dal lahaa sida police, nabad sugid, asluub, milatari/daraawiish iyo ciidanka badda intaaso dhami waxay ka shaqeeyaan danta dowlad goboleedka ee kama shaqeeyaan difaac qaran oo loo dhan yahay, ciidamadaasi waxa xaq u leh inay ka amar qaataan dowladda Federaaliga oo awoodaas dastuurku siiyay laakiin si sharci darro ah ay dowlad goboleedyada qaar ku qaateen.

.       III.       Siyaasada Lacagta.

Soomaaliya ma leh bank dhexe oo lacagta kantaroola, waana shaqo loo ga fadhiyo in dowlada federalku qabato, booskaas banaana wax aka faa’idaystay dowlad  goboleedyada qaar oo daabaca lacagta laga isticmaalo deegaanadooda qaarna waxay ba samaysteen lacag u gaar ah laakiin daabacaada iyo kantaroolka lacagta waa awood gaar ah oo dastuurku siiyay dowlada Federaaliga ah ayna tahay in looga danbeeyo.

Qodobada kale ee dastuuriga ah oo dowlad goboleedyadu ku xad gudbeen waxa kamid ah

Qodobka 50 aad faqrada kowaad qaybta e) waxay u qoran tahay sidaan “Khayraadka dalka oo si caddaalad ah loo qaybsado” sido kale isla qodobkaas qaybta F) waxay u qorantahay sidan “Dakhli-ururinta oo loo xilsaaro hadba heer xukuumadeedka sida ugu wax-ku-oolsan u fulin

Karta”  Qodobkaas wuxu qeexayaa in dakhli uruurinta iyo qaybinta kheyraadka dalka ay mas’uuliyadeeda leedahay dowladda Federaaliga laakiin hada gabi ahaan ba majiro maamul goboleed dakhli ku dara sanduuqa bankiga dhexe dowlad goboleed walbana wuxu isa siiyay awoodas oo ah mid an dastuurku siin.

  1. B) Awoodaha dastuuriga ah ee dowlada federalku ka gaabisay:-

Qodobka 50 aad oo ka hadlaya mabaa di’da Federaaliga Faqradiisa kowaad qeybta D) waxay u qoran tahay sidan “Si uu u jiro dareen midnimo qaran, degaan kasta oo ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya waa inuu helaa adeegyo iyo waxqabad xukuumadeed oo isku mid ah”

Dowlada federalku waxay ka gaabisay mudadii ay jirtay inay dhamaan adeegyada xukuumada gaarsiiso guud ahaan deegaanada, sida dastuurka ku qeexanna maqnaanshaha adeegyadaasi waxay dhaawac ku yihiin midnimada.

Dowlad goboleed yada qaar waxay ka cabanayaan in dowladu wixii nafac ah aysan iyada soo dhaafin oo ay kaliya rabto in dowlad goboleedku gacmo maran la hoos joogo taasina ay ku khasabtay inay iskood wax u raadsadaan waana mida keentay madama anay ka helin wax adeeg ah dowlada Federaaliga inaysan tix galin jiritaanka awoodeheeda.

Qodobka 51 aad  Faqrda 2aad qeybta C  waxay qeexeysaa “In dowlada Federaaliga iyo dowlad goboleed yadu yeeshaan siyaasado u adeegaya qorshaynta iyo hirgelinta mashaariic hormarineed oo wadajir ah”

Dowlada Federaaliga ah waxa laga rabay inay dowlad goboleed yada kala shaqayso mashaariicda horumarinta ah sida beeraha, wadooyinka, ayraboorada iyo dekedaha laakiin waxa muuqata inay arimahaas ka gaabisay oo ku mashquushay xaaladaha bini aadamnimada iyo nabad galyada, maadaama dowlad goboleed yada qaar ay ka gudbeen heerkaas oo ay haystaan nabad galyo buuxda ayna u baahan yihiin mashaariic horumarineed dowladiina ay ku mashquushay qeybo kamida ah dalka oo nabad galyo la’aani  ka jirto arinkaasi waxay sababtay in kaalinti dowlada Federaaliga ay dowlad goboleed yadu qaataan oo mashaariic horumarineed sida ayrabooro iyo dekedo iyo wadooyin la saxiixdaan dowlado ajnabi ah waana arin dastuuriyan khalad ah marka dhinac laga eego dhinaca kalena la is dhihi karo waa gar oo dowladii Federaaliga baa kaalinti dastuurku siiyay buuxin wayday.

Qodobka 53 aad faqrada kowaad waxay qeexeysaa “Iyada oo la qaddarinayo nuxurka iskaashi ee lagu shaqaynayo, xukuumadda Federaalku waa in ay Dawlad- goboleedyada kala tashataa wada xaajoodyada la xiriira kaalmada dibedda, ganacsiga, cahdiyada ama arrimaha muhiimka ah ee la xiriira heshiisyada caalamiga ah”

isla qodobkaas faqrada labaad waxay qeexeysaa “Marka ay wada-xaajoodyadu si gaar ahaan u saamaynayaan danaha khuseeyadawladda xubinta ka ah dawladda federaalka, xukuumadda Federaalku ergada wada-xaajoodka geleysa waxaa kaabaya wakiillo ka socda Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka”

Labada faqradood tan kowaad  waxay amraysaa in dowlada federalku wada tashi kala samayso dowlad goboleedyada heshiis walba oo caalami ah halka faqrada labaad ay sheegeyso in marka heshiisku si gaara u quseeyo dowlad goboleed ay heshiiska wax ka saxiixaan wakiillo ka socda dowlad goboleedkaas.

Hadaba ba dowlada soomaaliya waxay toos ugu fashilan inay fuliso qodobkaas dastuuriga ah iyadoo heshiis yada ay galayso u isticmaasha awood dheerada mana jiro heshiis lagala tashaday dowlad goboleed marka lagu daro kii turkiga iyo kuwa kale ee dowlada federalku gashay waana qodob dastuuri ah oo dowladu ka tillaabsatay kaaso sahlay in dowlad goboleedyadu iyana markooda dastuurka ka tilaabsadaan mar hadii dowladii federaliga ahiba ay sidaa samaysay..

SIDEE LOO XALIN KARAA.

Dastuurka oo lagu dhaqmo

Sida an kor kusoo xusay loolankaan waxa base u ah dastuurkii qaranka oo an lagu dhaqmin dhinac walbana u adeegsaday si isaga u danaynaysa, waxa kaliya oo lagu xallin karaana waa in dastuurka lagu dhaqmo, dowlad goboleed yaduna ixtiraamaan awoodaha dowlada Federaaliga dastuurku siiyay sidoo kalena dowlada federalku ay san ku tagri filan awoodaha hoose ee dastuurku siiyay dowlad goboleed yada sida an kor kusoo xusay.

Qodobka 51aad faqrada 2aad waxay qeexeysaa “Xukuumad kasta waa in ay ixtiraamtaa, ilaalisaana xadka awoodaha ay leedahay iyo awoodaha ay leeyihiin Dawladaha kale” halka faqrada 4aad ay qeexeyso“Dhammaan heerarka Xukuumadda waxaa waajib ku ah inay u hoggaansanaadaan Dastuurka dalka, ayada oo aan heerna isa siinayn awood ka baxsan kuwa Dastuurku siiyey” faqrada hore waxay dowlada Federaaliga ku amraysa inaysan ku takri falin awoodeeda oo ay ixtiraamto awoodaha dowlad goboleed yada halka faqrada dame ay dowlad goboleedyada ku waajibinayso inaysan isa siin awood aan dastuurku siin waana xalka kaliya ee ay kuwada shaqeyn karaan dalkana lagu gaarsiin karo horumar iyo midnimo buuxda.

Dhismaha Maxkamada dastuuriga ah:-

Qodobka 109 faqrada 1aad qeybta D waxay qeexeysa awoodaha maxkamada dastuuriga ah waana sidan  “In ay go’aamiso khilaafyada u dhexeeya dawladda federaalka ah iyo dawlad goboleedyada xubinta ka ah dawladda federaalka ah iyo Dawlad goboleedyada federaalka dhexdooda”

Maxkamada dastuuriga ahi waxay awood u leedahay inay soo dhex gasho go’aana ka gaarto khilaafaatka dhex mara dowlada goboleedyada iyo dowlada Federaaliga waana muhiim in la dhiso si loo yareeyo loolanka sii baahaya ee ay caadaysteen dowlad goboleed yada iyo khilaafaatka soo noqnoqday.

Samaynta Guddiga isku xirka xukuumadaha:-

Qodobka 111F ee dastuurka federaaliga faqrada kowaad waxay qeexeysaa “Waa in sharci Federaal ah lagu sameeyaa Guddi isku xirta xukuumaddaha”  Gudigan shaqadiisu waxay noqonaysaa sida ku xusan isla qodobkaas faqrada 2aad qeybta B “Xalilinta wixii khilaafaad ku saabsan maamul ama siyaasadda ee awoodooda hoos yimaadda kuwaasoo soo kala dhexgeli kara Dawladda Federaalka iyo hal dawlad oo xubin ka ah Federaalka ama in ka badan Dawladdaha xubinta ka ah xukuummadaha Federaalka”

Gudigan waxa si wadajir ah u magacaabaya raisal wasaaraha iyo dhamaan dowlad goboleedyada sida ku xusan dastuurka wuxu qayb weyn ka qaadanaya wada shaqaynta isagoo meesha ka saari doona loolanka iyo is aaminaad la’aanta hadda u dhexeysa dowladda Federaaliga ah iyo dowlad goboleed yada xubnaha ka ah.

Gunaanad:-

Maqaalkan dhamaantiis wuxu ku salaysan yahay dastuurka dowlada federaliga ee soomaaliya waxanan halkan kusoo koobay fahamkayga ku aadan dastuurka iyo qaabka lagu xallin karo is qabqabsiga iyo loolanka ka dhexeeya dowlada federiliga iyo dowlad goboleed yada xubnaha ka ah, caqabadaasoo an u arkay inay dhaawac weyn ku keeni karto qaranimada soomaaliya sidoo kale fogeyn karto hankii dadka soomaaliyeed ee aha inay mar un arkaan soomaaliya oo cageheeda isku taagtay sharafkay dunida kalahayd na soo ceshatay.

Waxan ka codsanayaa qof walba oo ka agdhow madaxda ay qormadani quseyso inuu iga gaarsiiyo, gaar ahaan dowlada Federaaliga waxan ka rajeynayaa inay arinkaas xal buuxa ka gaarto.

W/Q: Abdullahi Nur Ciid
Email: Seaman700@gmail.com.

Afeef:Faalooyinka iyo Maqaalasa ku soo baxa Saadaal Media Group,waxay gaar u yihiin qoraha ku saxiixan

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Somalia says:

    Walaalka soo diyaariyay qoraalkan waan ugu mahad celinaaya mida 2aad walaalka soo qoray qoraalkan muusan cadaalad falin weerarkiisa wuxuu ku socdaa maamul goboleedyada. Somalia wey ugu dhamaatay galigii taliye no more dictatorship waxaa rajeyn Farmaajo markii uu waqtigiisa dhamaado in si nabad ah u wareejiyo xugunka




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Xildhibaano ku baaqay in dib loosoo celiyo Cabdikariin Sh.Muuse Qalbi Dhagax
- Nov 18, 2017
Kulankii Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xildhibaanda qaarkood waxa ay dood ka sameeyeen dhiibistii Cabdi Kariim Muuse Qalbi ...
DHAGEYSO:-Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay sharci muhiim ah
- Nov 18, 2017
Kala Fadhigii barlamanka puntland oo ka dhacay garoowe ayaa lagu ansixiyay xeerka la dagaalanka ...
VIDEO+SAWIRO:-Madaxweynaha Puntlad Iyo Danjiraha Dalka China ee Soomaaliya oo Shir Jaraa’id Ku Qabtay Madaxtooyada Garoowe.
- Nov 18, 2017
Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo danjiraha dalka China ee Soomaliya ...