Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Shir London lagu qabtay oo arrimaha cusub ee Soomaaliya lagaga faalloonayey: Qore Maxamuud Ibrahim (Xaaji)

Shalay oo bishu ahayd 16/03/2017 waxaan ka qayb galay shir ay soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha dibedda Ingiriisku ( FCO). Shirkaasi oo lagu martiqaaday dad Soomaali ah. Shirkaasi waxaa daadihinayey Ugaaskii hore ee “Beesha Lixaad” Nick Kay. Shirka waxa loogu gogol xaadhayaey shir la rabo in Soomaaliya loogu qabto waddanka Ingiriiska bisha Maajo 11/05/2017. Kulankan waxaa lagu beerxaadhanayey xogna lagaga urursanayey Soomaalida Ingiriiska. Waxa la soo abaaray ururro Soomaaliyeed oo waddankan ka diwaan gashan oo u adeega, ama ka adeegta dadka Soomaalida ah iyo qaar kale oo aan ka mid ahay oo si kale loo soo helay.
Kulankaasi waxa noo furay Ugaas Kay oo imminka u dallacay mid ka mid ah Ugaasyada Ingiriiska Sir Nick Kay, the Foreign Secretary’s Special Envoy to the Horn of Africa.

Ujeeddooyinka shirka inta aanu u gelin waxa uu ku bilaabay xaaladda Soomaaliya, caqabadaha iyo fursadaha hor yaalla.
Caqabadaha:
  •  Al-shabaab oo ayaamahan bilowday qaraxyo cusub oo is daba jooga ah si ay farriin ugu diraan Dawladda cusub ee Madaxweyne Farmaajo.
  • Abaar baahsan oo dalka oo dhan ku habsatay, inkastoo buu yidhi aan weli loo aqoonsan inay macaluul gaadhay hase yeeshee galaafatay dad iyo duunyoba.
  • Ka bixitaanka Ingiriiska  ee Yurub (Brexit) oo is beddelka ay ku yeelan doonto qorshihii hore ugu degganaa Soomaaliya  aanay weli caddayn. Sidoo kale waxaan caddayn waxa uu noqonayo wadashaqaynta Midowga Yurub iyo Ingiriisku wejiga uu la imaan doono.
  • Dawladda cusub ee Marayka iyo doorkooda cusub ee Soomaaliya.
Fursadaha: 
  • Doorashadii goleyaasha baarlamaanka ee nabadgelyada ku dhacday, taasoo ay weheliso doorka mugga leh ee ay dhallinyarada iyo haweenku ku leeyihiin goleyaashan, inkastoo qaabkii lagu soo xulay xildhibaannadan qaar ka mid ah mugdi ku jirey.
  • Doorashadii madaxweynaha cusub oo muujisay in Soomaalidu taageero iyo kalsooni badan ay ku qabaan.
  • Soomaaliya inay hadda ka baxday marxaladdii Dawlad hungo ah (failed state) oo ay u muuqato waddan soo kabanaya inkastoo xasarado iyo amni xumo jiraan.
Intaa dabadeed wuxuu u galay inuu bayaamiyo ujeeddooyinka shirka Soomaalida ee bisha shanaad  ee sannadkan London ka dhici doona

Ujeedooyinka shirka:
  1. Nabadgelyada: Wuxuu dhalliilay inaan wax horumar ah laga gaadhin dhanka nabadgelyada afartii sano ee la soo dhaafay. Wuxuu sheegay in diiradda lagu saari doono sidii loo abuuri lahaa “ciidan qaran” oo midaysan lagana wada qayb qaato dhammaan maamul-goboleedyada iyo degaannada Soomaaliduna ay ku midaysan yihiin. Si taa loo helo waxa la rabaa in London lagu gaadho “is afgarad siyaasadeed” oo dhex mara madaxda maamul-goboleedyada [oo shirkan kasoo qayb galaya] iyo madaxda Federaalku inay ku heshiiyaan qaabka uu u ekaan doonoo ciidanka qaranka Soomaaliyeed iyo kaalinta ay dhammaan madaxdu ka qaadanayaan in la xaqiijiyo sidii ciidankaa qaran ee isku dhafan loo abuuri lahaa. Wuxuu intaa raaciyey in hadda waxa jiraa ay yihiin, maleeshiyo beeleedyo, ciidammo aan rasmi ahayn oo maamul-goboleedyadu leeyihiin kalana filiqsan. Wuxuu kusii ladahay intaa in waxa imminka loogu yeedho “ciidanka qaranka’ oo kasoo jeedaa maleeshiyo beeleedyo laga qortay Xamar iyo agagaarkeeda oo Hawiye ah ama u badan. Wuxuu sii raaciyey kala qoqobnaanta siyaasadeed ee jirta aawadeed hadda suurto gal maaha in qofkastaa intuu yimaaddo [Xamar] uu fursad u helo inuu ka mid noqdo ciidanka qaranka Soomaaliyeed. Intaa wuxuu ku daray wejiga kale ee nabadgelyadu waa in la derso joogitaanka ciidammada AMISOM iyo waxa doorkoodu noqonayo wixii ka danbeeya 2018. Wuxuu intaa raaciyey marka isafgaradkaa siyaasadeed la helo Beesha Lixaadna (IC) waxay ballanqaadaysaa inay tamar iyo taakuloba ka geysato.
  2. Heshiis cusub ee wada shaqayneed (New partnership agreement). Waa qorshe ballaadhan oo la rabo in si wadajir ah ay u gaadhaan Dawaldda Soomaaliyeed iyo Beesha Lixaad (IC) qorshahaas oo ku aaddan in la isla jaangooyo waxa dawladda Soomaaliyeed la rabo inay qabato Afarta sano ee soo socota hadday tahay xagga siyaasada, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada. Qorshahaas oo la rabo in si qotodheer looga baaran dego. Waa qorshe leh isla xisaabtan, dabagal iyo xaqiijin in wax walba sida lagu ballamay u fulaan waqtigii loogu talo galayna ku dhammaadaan. Heshiisskii hore waa dhacay (New deal has expired), wax badanina kama fulin habacsanaan badan oo dhanka Beesha lixaad ah ayaa sababaha ka mid ahaa.  Heshiiskan cusubi waa mid aan la sahlanayn oo la rabo in wixii kii hore fuli waayey ay fulaan. Tusaale ahaan waa in doorashada qof iyo cod la hirgeliyaa, dastuurka la qabyo tiraa iwm. “QABYO NINKEEDAA DHAMMAYSTIRA”
  3. Soo noolayn dhaqaale iyo dayn dhaafid (economic recovery and debt relief). Qodobkan wuxuu kaga hadlay inay sidoo kale xoogga saarayaan sidii dayn-dhaafis looga codsan lahaa Beesha Lixaad iyo hay’adaheeda si ay u sahlanaato in culayska aan la xamili karin  looga fududeeyo dadkan Soomaaliyeed ee la daala dhacaya culaysyada is dul fuulay. Wuxuu kaloo sheegay in shirka ay ka soo baxdo qorshe lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha ee Soomaaliya.
Intaa dabadeed wuxuu raaciyey inay jiri doonaan shirar doceedyo la rabo in dadka lagu “xogaysto” amaba lagu “xagaysto” khaasatan dhallinyarada wuxuuna ugu yeedhay qorshahas “inclusive society” tolow ma bulsho isu dhan baa la odhan karaa!
Dabadeed waxa la furay su’aalihii. Agah! waa lagu boobay sidii caadada ahayd. Su’aalaha la weydiiyey waxa ka mid ahaa, doorka AMISOM iyo khatarta dadka Soomaaliyeed ka arkaan ee ah inay hortaaganyihiin in la dhiso “ciidan qaran”. Waxa ka mid ahaa waa sidee doorka dawladaha deriska? Waxa ka mid ahayd gabadh u doodda xuquuqda dadka Soomaaliyeed ee la takooro oo su’aal takooridda ku saabsan weydiisay.  Waxa xusid mudan inay ahayd markii saddexaad ee aan arko ee ay dooddaasi fagaareyaasha soo dhigto, waana arrin loo baahan yahay inaynu ku baraarugno oo wax ka qabanno. Waxa ka mid ahayd, dad shaki ka muujinayey Federaalka oo diiddanaa. Waxa ka mid ahaa arrinta abaaraha. Waxa ka mid ahaa UGAAS NICK KAY, unnuka xaqayagii waa la duudsiyey annagoo ah dadka ugu tirada badan oo deggan Xamar oo ka tiro badan maamulgoboleedyada dhammaantood maxaa laga yeelayaa xaqayagii! Su’aaluhu intan way ka badnaayeen.
Laba arrimood iyo laba su’aalood
Labada Arrimood:
a) Tan koowaad, Waxaan la yaabay sida Soomaalidu ugu nugushahay Ferenjiga (ninka cad). Waxaad arkaysaa qaar ku bilaabaya, mudane Kay waxaan kaaga mahadcelinaynaa sidii fiicnayd ee aad Soomaaliya usoo gacan qabatay, wax weyn baad noo tartay. Qaar ku bilaabaya ma xusuusataa waxaynu ku kulannay meel hebla [Gaalkacyo] magalada anaa ku darsaday! iyo isagoo leh dad badan baan la kulmay ma wada xusuusto magacyadooda!. Waxa ka mid ah qaar ku bilaabaya “maadaama aad khabiir ku tahay arrimaha Soomaalida” hadda way ogyihiin laba sano iyo badh keliyuu joogey Soomaaliya!
b) Tan labaad waa in ragga iyo haweenku ay waddanka u kala dareen iyo damqasho badan yihiin marka aad eegto su’aalaha ay weydiinayeen. Haweenka su’aalahoodu waxay ahaayeen kuwa dareen waddaninimo ku jirto iyo damqasho dadeed.
Laba su’aalood. 
 
a) Su’aal anigaa weydiiyey waxay ahayd su’aal muddadan iga guuxaysay, sida aan filayo dad farabadan oo Soomaali ahna ka guuxaysa. Waxaan Ugaaska weydiiyey anoo ku ciilqaba siday walaalahayga Soomaaliyeed ugu nuglaayeen  sidaa daraaddeed ka fogaanayey magaciisa iyo maskabkiisaba “anigu waxaan ku weydiinayaa su’aal degdeg ah, shirkii hore ee London waxaan ku xusuustaa unkiddii/aasaasiddii shirkadda SOMAOIL, haddaba maxaa  Ingiriiska ugu jira shirarkan Soomaalida? Last London conference reminds me the creation of SOMAOIL, what is in it for Britain in these conferences? Sacab baa is qabsaday aanan filanayn! waxayna ahayd su’aasha keliya ee malaha xadantaysay si gaara qof kasta oo Soomaaliya oo shirkaa fadhiyey, waayo wax sacab ah oo hore uga dhacay golahaas ma jirin. Waxaan dareemay in dadka Soomaaliyeed waddaniyiin yihiin. Inkastoo aan ogahay inay ka sii yihiin QABIILIYIIN!
Far iyo meel bugtaa is oge, Ugaasku su’aashaas jawaabteeda wuu ku raftay oo cartamay oo baal-baashaday, codkiisii iyo wejigiisiina wuu is beddelay. Malaha odayga foofkaan ka jiidhay, ama sida imminka la isticmaalo “bac baan ku xidhay” . Hadalladiisii waxa ka mid ahaa SOMAOIL maaha shirkad dawladda Ingiriisku leedahay, waase shirkad Ingiriis ah . Xarfaan baynu ku nahay inaynu shaki abuurno. Soomaaliya maaha meel balaayiin laga macaasho. Qaybtii kale ee su’aasha, maxaa Ingiriiska ugu jira shirarka Soomaalida ? wuxuu kaga jawaabay saddex arrimood oo had iyo goor ay ku celceliyaan oo kala ah; la dagallanka argagixisada, la dagaallanka budhcad-badeedda iyo daryeelka bani’aadamka oo ah waajibaad na saaran, annagoo ogsoon inaannu doorkii hore [abaartii 2011] kaalintayadii gabnay.
b) Su’aasha labaad waxaa weydiiyey nin sheegtay inuu yahay caalim “scholar” waxayna ku saabsanayd isagoo yidhi; kulankii kal hore ee London waxaan ku xusuustaa soo jeedintii wadahadallada Soomaaliya iyo Soomaalilaan, arrintaasoo aan ilaa iyo hadda aan saldhigan, shirkan maanta Soomaalilaan kaalin ma ku leedahay, dawaladda ingiriiskuse wax qorshe ah ma haysaa ay dib ugu bilaabmaan wadahadalladaasi?
Ugaasku su’aashan lafteeda ma soo dhoweyn. wuxuuna ku bilaanay; Soomaalilaan ma lagu casuumay shirkan, markaan runta kuu sheego adduunku waa ka daalay Soomaalilaan in badan baana loo samrayey. Waxyaalaha na niyad jebiyey waxa ka mid ah Baarlamaan musuqmaasuq ah (corrupt parliament), waxa jira marba in waqtigii doorashada dib loo dhigayo, waxa jira in Baarlamaankaasi oo markiisii hore muddo dheer iska fadhiyey haddana loo sii kordhiyey oo ay marayso 14 sano inaan wax doorasho Baarlamaan ahi dhicin, waxaasoo dhan baa jira. Waxan aan isu sheegtaan ee Dimoqraadiyad baannu nahay oo qabkan iyo isku kalsoonidan sida aad u sheegaysaan wax baa ka beddelan. Waxaa qorshahayagii hore ahaa in xukuumado cusubi ka dhashaan Hargeysa iyo Xamar oo labadooduba ay weji cusub furaan oo dib loo unko isfaham iyo wada xaajood, laakiinse nasiib darro Soomaalilaan iyadaa taa gabtay hargeysana iigama muuqato wax na yididiilo geliya.
Wuxuu intaa raaciyey Nick Kay, Shirkii hore ee 2013kii waannu ku martiqaadnay Soomaalilaan waxyaalo badan oo u fududaynaya in Somalilaan ka soo qayb gashona waannu u samaynay laakiin Madaxweyne Siilaanyo waa nala garan waayey taasina niyad jab bayn bay na gelisay, maaha Ingiriiska keliya laakiin Beesha Caalamkoo dhan.
Kulankii halkaasaan kaga soo tegey iyadoo waqtigii ilaa 20 daqiiqo hadhsan yahay, waajibaad qoys ayaa ii soo galay. Nin Yurub joogana waad garanaysaan haddaanu waajibaadkiisa gudan.
Gebagebadii: Waxaan ummadda Soomaaliyeed ku boorrinayaa inay isha ku hayaan shirka Maajo ka dhici doona London iyo waxa ka soo bixi doona. Waxaan kaloo khaasatan inta aqoonta iyo dawladnimo aqoonta lagu tuhmayo ka codsanayaa intiinna fursad u heli kartaa inaad dawladdeenna wixii macluumaad ah iyo taloba u gudbisaan inta shirkaas ka horreysa si diyaar garow mugu iyo miisaan leh loogu soo sameeyo shirkaas muhiimka ah.
Shirka waxaa ka soo qayb gelaya intaan ogahay madaxda dawladda Federaalka iyo madaxda Maamul-goboleedyada dhammaantood. Waxaan jeclaan lahaa inaan Raisal wasaaruhu shirkaas ka soo qayb gelin wixii talooyin uu hayo dawladda gudaheeda  ha soo mariyo. Sababta aan taa u leeyahay waa inaanay abuurmin shakigii SOMAOIL, shirkaddaas oo uu Raisal wasaaruhu ka mid ahaa madaxdii ugu sarreysey sidoo kale uu ku lahaa saami hantiyeed. Joogitaankiisu wuxuu tuhun gelin karaa dad Soomaaliyeed oo badan oo isku lammaanin kara, shirkan cusub ee London, kii hore ee 2013 iyo shirakaddii lagu aasaasay oo Xasan Khayre qayb ka ahaa amaba ka noqday aasaaskii shirkadda dabadeed.
Waxaan kaloo jeclaan lahaa inta ka horreysa in madaxda dawladda Soomaaliyeed ummadda Soomaaliyeed ka qanciyaan shirkaddaas iyo hawlaheeda, siday ku aasaasantay iyo sharciyadeeda, waxay Soomaaliya ka fulisay, qandaraaskeedu noocuu yahay, muddaduu yahay, saamiyaddeda,  saamlileydeeda, saami-qaybsiga lagula heshiiyey ee iyada iyo Soomaalia u dhexeyn doona, meelaha ay ka hawl gelayso iyo weliba xaaladdeeda imminka,
Shirkan waxaa wada guddoominaya Madaxweynaha Soomaliya, Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, iyo Raisalwasaaradda Ingiriiska.
Maxamuud Ibrahim (Xaaji)
dalmarbilaal@yahoo.com
Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

Wasiirka Gargaarka Drs. Maryan Qaasim Axmed oo booqasho ku tagtey magaalooyinka Doolow iyo Waajid
- May 26, 2017
Wafti ay hoggaaminayso Wasiirka Maaraynta Masiibooyinka Drs. Maryan Qaasim Axmed ayaa gaarey magaalooyinka Doolow ...
DAAWO SAWIRRO:-Madaxweyne Farmaajo oo magaalada Doxa kulan kula qaatey Amiirka Qatar
- May 26, 2017
Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kula kulmay maanta magaalada Doxa ee dalka Qadar Amiirka ...
DHAGEYSO:-Askar Kenya u dhashay oo Qarax Lagu Dilay & shabaab oo sheegtay
- May 25, 2017
Laba askari oo ka mid ah ciidamada booliska ee dalka Kenya ayaa ku dhimatay ...