Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

AKHRISO:-Warbixin laga qorey tacaddiga ay ciidamada Itoobiya ka geysanayaan magaalada Baardheere

Dhawaan waxaan qorey laba warbixinood oo aan kaga hadlayey dhibaatada Itoobiya ay ku hayso shacabka magalada Baardheere iyo faragalinta hannaanka maamul ee magaaladaas.

Haddaba waxaan haatan halkaan idiinku soo gudbinayaa warbixin kale oo ka hadlaysa sida uu yahay xiriirka Itoobiya iyo maamulka Baardheere kadib faragalinta Itoobiya ay ku samaynayso hab maamulka degmada.

Kadib soo ifbixiddii dhibaatooyinka ciidamada Itoobiya ay u geeysteen shacabka magaalada baardheere oo isugu jiray handadaad, qaadashada Lacago Baad ah, Xir xiritaan iyo dhibaatooyin kale ayaan waxaa khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay hoggaanka ciidamada Itoobiya iyo maamulka Baardheere, taasoo keentay in ay meesha ka baxdo wada shaqayntii u dhaxaysay maamulka degmada baardheere iyo Saraakiisha hoggaamisa ciidanka Itoobiya ee jooga magaaladaasi.

Itoobiya iyo maamulka degmada Baardheere in uu khilaaf soo kala dhexgalo waxaa ay timid, kadib markii Ciidamada Itoobiya ay xirteen mid ka mid ah ganacsatada magaalada Baardheere kaa oo si wayn looga yaqaanay magaaladaasi, iyadoona xirtay xili aysan wax ogaysiis ah siin maamulka degmada in ay xirayaan ganacsadahaasi waxaana taasi ay keentay in Itoobiya iyo maamulka degmada ay isku man dhaafaan hannaanka loo maray xarigga ganacsadahaas..

Waxaa kale oo uu khilaafka dib usii xoogaystey markii ay ciidamada Itoobiya amar ku bixiyeen in lasoo xiro madaxa arimaha bulshada ee maamulka degmada Baardheere Xuseen Xalane, kaasoo oo ay si weyn ay isugu dhacsanaayeen taliyaha ciidamada Itoobiya ee Baardheere jooga, waxaana isku dhaca Itoobiya iyo madaxa arimaha bulshada iyana loo sababaynayaa markii uu masuulkaasi si adag u diiday go’aan kasoo baxay sargaalka ugu sareeyay ciidamada Itoobiya ee Baardheere jooga go’aankaas oo ahaa in bulshada magaalada ay keenan lacago uu dalbaday sargaalka hogaamiya ciidamada Itoobiya lacagtaas oo cabashadeeda bulshada ay u sheegeen madaxa Arimaha bulshada si uu wax uga qabto waxaana timid is afgaran waa dhexmaray masuulkii ay shacabka u cabteen iyo sargaalka ugu sareeya ciidamada Itoobiy,  iyadoo Itoobiya ay guddoonka maamulka degmada Baardheere ku amartay in xilka laga qaado madaxa arimaha bulshada haddii kale ay iyaga qaadi doonan tallaabo ay masuulkaasi ku dhibaateeyaan.

Durbaba waxaa cirka isku shareeray khilaafkii awal soo jiray oo gaaray heerkii ugu xumaa ee abid iyo in uu dhaco dagaal dhexmara ciidamada Itoobiya iyo maamulka degmada baardheere hasa ahaatee waxaa taasi baajiyey kadib cabasho uu sargaalka ugu sareeya ciidamada Itoobiya gaarsiiyey madaxda maamulka jubbaland kuwaa oo arinka faragalinta ku sameeyay.

Dhinaca kale Itoobiya ayaa faragalintii ay ku haysey maamulka degmada Baardheere u weecisay xaga saraakiisha ciidanka xoogga dalka soomaaliya iyadoo bilowday kala qaybinta hogaanka ciidanka soomaalida taa oo keentay in magaalada baardheere uu safar dag dag ah ku tago Taliyaha ciidamada xoogga dalka soomaliya qaybta gobolka Gedo si uu meesha uga saaro tallaaboyinka guracan ee itoobiya ay samaynayso waxaana sidoi kale uu ku amaray taliska ciidanka Itoobiya in ay faraha kalaabtaan arinta ciidamada soomaliya haddii kale ay la kulmi doonan jawaab adag oo ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ay qaadaan.

Ugu dambeyn waxaa weli si adag u kala taagan maamulka degmada Baardheere iyo sargaalka ugu sareeya ciidamada Itoobiya ee Baardheere jooga, iyadoo aysan jirin wax wada shaqayn ah hada u dhaxaysa Itoobiya iyo maamulka degmada marka laga reebo shaqsiyaad ay itoobiya u adeegsanayso carqaladaynta shacabka magaalada Baardheere iyo maamulka degmada, kuwaasoo aad bulshada deefaanka ay u dhibsadaan.

 

 

W/Q: Wariye Khadar Maxamed Siraad

Baardheere.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

Daawo Video: Diyaaaradii ugu horeysay oo Xili habeen ah 27-sano kadib Kasoo Degtay Caawa Garoonka Aadan Cadde
- Sep 24, 2017
Ku dhawaad muddo 27 sano kaddib waxaa caawa garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada ...
Xildhibaano Ka Tirsan Labada Aqal Oo Maanta Ka Shiraya Khilaafka Soo Kala Dhex Galay Madaxda Galmudug
- Sep 24, 2017
Maanta ayaa la filayaa in gudaha Magaalada muqdisho ay kulan ku qaataan xildhibaanada labada ...
Madaxweynaha Uganda Oo Sheegay Inaysan AMISOM Shaqaale U Ahayn QM Iyo Somalia
- Sep 24, 2017
Madaxweyne Yoweeri Museveni ayaa hadalkaasi ka sheegay Kulankii Hoggaamiyayaasha Dowladaha ay Ciiddanka ka joogaan Somalia dhawaan ...