Dhagayso:- Haween horay looga saaray Ciidamada xooga Soomaaliya oo dalbaday in dib loogu soo celiyo.
Qaar kamid ah haweenka ciidamada xooga Dalka Soomaaliya oo horay shaqo fariisin ugu samaysay Xukuumadii Xassan Shiikh Maxamuud ayaa waxay baaq u direen madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.
Haweenkan ayaa waxay sheegeen in la xaqiray haweenkii ka tirsanaa ciidamada xooga dalka Soomaaliya kuwaas oo si sharci daro ah Garaadihii saarnaa garbahooda looga daadiyey hadana ay goob cidla ah ay taaganyihiin.
Mid kamid ah haweenka ayaa sheegtay inay sugayeen madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya waxayna u dirtay Baaq ku aadan Xuquuqda ciidanimo ee laga qaaday haweenkan.
Hadalkan ayey haweenku ka sheegeen munaasibad lagu taageerayey Madaxwaynaha Soomaaliya oo ay soo qaban qaabiyeen ururka haweenka qaranka Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Hoos ka dhagayso Codka: