Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Daawo:Jaaliyada Soomaaliyeed ee Kentucky oo taageradooda u muujiyay Madaxweyne Farmaajo

Jaaliyada Soomaaliyeed  ee ku nool magaalada Louisville gobolka Kentucky  ee Dalka Mareykanka ayaa soo bandhigay Taageerada ay u hayaan  dowlada Soomaaliyeed iyo madaxweynaha cusub ee dhawaan la doortay Maxamed Cabdillahi Farmaajo.

Boqolaal dhalinyaro ubadan ayaa ka soo qeybgalay xafladan, waxayna ku marti galiyeen Maamulka gobolkooda iyada oo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Louisville ay soo camreen goobta xaflada.

Mudadii ay socotay waxaa hadalo kala duwan ka soo jeediyay dhamaan martidii ka hadashay iyada oo diirada la saarayay ahmiyada Dowladnimada iyo Amaanku u leeyihiin Bulsho walba oo dunidan ku nool.

Madaxweyne Farmaajo ayay ugu baaqeen in uu diirada saaro arimaha Amniga iyo ciidamada si loo helo ciidan qaran oo hanan kara Amniga iyo xasiloonida.

Qaar kamid ah waxgaradkii ka hadlay xafladan oo aad u qiiraysnaa ayaa Jaaliyada ugu baaqay in ay is garab taagaan dowladooda iyo in laga qeyb qaato bixinta mushaaraadka ciidanka si ayay dhaheen looga gudbo Baahida dhaqaale ee curyaamisay ciidanka Qaranka,waxayna inbadan oo ka mid ah balan qaadeen in ay bixinayaan wax walba oo dalkooda lagu samatabixinayo balse ay sugayaan hanaankii ay mari lahayeen iyo in dowladu soo diyaariso qorshe lagu caawiyo.

Masuuliyiintii ka socday dowlada gobolka Kentucky ee xaflada ka hadlay ayaa ugu baaqay jaaliyada Soomaaliyeed in ay u istaagaan sidii dalkii ay colaadaha uga soo carareen u cawinlahayeen una garab istaagi lahayeen dowlada Cusub oo uu hogaaminayo Madaxweyne adinka oo kale ahaa shalay dalka Mareykankana wax ka bartay taas oo na farax galinaysa.

Waxaa la soo bandhigay ciyaaraha dhaqanka, Heeso, iyo Suugaan kala duwan oo dhamaan ka tarjumayay isbadalka Soomaaliya.

Arimaha la xariira Abaaraha ayaa lagu dhawaaqay in sida ugu dag daga badan loo sameeyo Gudi reer Kentucky ah oo ka qeyb qaata caawinta dadka abaaruhu halakeeyeen gudaha Soomaaliya.

Kentucky oo ka mid ah meelaha ay Soomaalida aadka u yar ku noolyihiin waxa ay Soomaalidu ka dhex muuqdaan Jaaliyadaha kale iyaga oo sameeyay Horumar dhanka Nolosha ah, isla markaana la shaqeeya dowlada Gobolkooda.

Deeqo SONNA

Deeqosonna@gmail.com

 

 

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Xildhibaano ku baaqay in dib loosoo celiyo Cabdikariin Sh.Muuse Qalbi Dhagax
- Nov 18, 2017
Kulankii Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xildhibaanda qaarkood waxa ay dood ka sameeyeen dhiibistii Cabdi Kariim Muuse Qalbi ...
DHAGEYSO:-Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay sharci muhiim ah
- Nov 18, 2017
Kala Fadhigii barlamanka puntland oo ka dhacay garoowe ayaa lagu ansixiyay xeerka la dagaalanka ...
VIDEO+SAWIRO:-Madaxweynaha Puntlad Iyo Danjiraha Dalka China ee Soomaaliya oo Shir Jaraa’id Ku Qabtay Madaxtooyada Garoowe.
- Nov 18, 2017
Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo danjiraha dalka China ee Soomaliya ...