Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO SAWIRRO:-Maamulka Puntland oo magaalada Qandala ku soo bandhigay Hub iyo Saanad laga qabsaday kooxda Daacish

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo shalay kormeeray ciidamada maamulkiisa ee ka howlgallada ka fuliyey degmada Qandala ayaa booqday goroonka dayaaradaha ee magaaladaasi iyo sidoo kale khooriga badda ee degmada Qandala.

Gaas waxaa ku wehlinayey kormeerka masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiisha ciidamada Puntland iyo masuuliyiin ka mid ah Madaxtooyada maamulkaas.

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa salaan ka qaatay ciidanka difaaca xeebalayda Qandala, waxaana uu madaxweynuhu ciidamada ku amaanay sida dhiiran ee ay ugu heelan yihiin inay dalkooda ka difaacaan cadawga, isla markaana waxa uu si gaara ugu hambalyeeyey guushii balaarnayd ee ay ka gaareen kooxda daacish ee mudada kooban heysatay degmada taariikhiga ah ee Qandalla.

Wafdigan ayaa kormeeray garoonka dayuuradaha magaalada Qandala oo ay ugu dambaysey goor la isticmaalo xiligii dowladda dhexe Soomaaliya, geesta kale Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa kormeeray khooriga qandala oo isna aan sidaa uga fogeyn magaalada.

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo la hadlay warfidiyeenada ayaa sheegay in magaalada Qandala ay tahay magaalo ganacsi islamarkaana ah ay ku duugan tahay taarikh badan oo ay Soomaaliya leedahay, sidoo kale madaxweynaha ayaa ka warbixiyey dhibaatada ay gaarsiiyeen Degmada kooxihii mudada heystay, waxaana uu tilmaamay inay burbur hantiyeed u geysteen xarumihii hayaddaha Dawladda isla markaana ay bililiqaysteen hanti badan oo ay leeyihiin shacabka degan magaalada Qandala sida uu yiri.

Saraakiisha ciidamada hawlgalada ka fulinaya Degmada Qandala iyo degaamada hoos yimaada ayaa dhankooda soo bandhigay saanad milateri oo ay ka qabsadeen Kooxda Daacish.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DAAWO SAWIRRO:-Mareykanka oo Ciidamada Amisom maanta ugu deeqay Gaadiidka Dagaalka oo casri ah
- Mar 24, 2017
Ciidamada midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxaa maanta lagu wareejiyay gaadiid casri oo kuwa ...
MUUQAAL:-Wasiir ka tirsan Somaliland Oo Weerar Lagu qaaday Gurigiisa
- Mar 24, 2017
Dabley hubeysan ayaa la sheegay in weerar ay ku qaadeen Gudiga Wasiirka Boostada iyo ...
MUUQAAL:-Walidiin walaac ka muujiyey caruur Ay dhaleen oo ku xidhan Dowladd Deegaanka Somalida ee Itoobiya
- Mar 24, 2017
Waalidiin Soomaaliyeed ayaa  Ka Hadlay Caruur Ay Dhaleen Oo Muddo Badan Ku Xidhan Jeelasha ...