Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Akhriso:-RW Ku-Xigeenka dalka oo hambalyo u diray Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee la doortay

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka ayaa hambalyo u diray Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jaawaari.

Mudane Carteh ayaa sheegay in gudoomiyaha cusub looga baahanyahay in uu dar-dar geliyo hawlaha Golaha Shacabka si goluhu u noqdo mid si dhab ah uga jawaabaya rabitaanka shacbiga.

“Maanta waxa aan guul taariikhi ah ka gaadhnay geedi socodka doorashooyinka ee soo socoday muddo ku dhow 6 bilood, gudoomiyaha cusub waxa aan ka dooneynaa in uu ka shaqeeyo dhammeystirka dastuurka, sarraynta sharciga dalka u yaala iyo wadajirka Baarlamanka Federaalka Soomaaliyeed”.

Dhanka kale, Maxamed Cumar Carteh ayaa Dadka Soomaaliyeed iyo Xildhibaanada Golaha ka codsaday in ay la shaqeeyaan gudoomiyaha cusub.

“Gudoomiyaha cusub waxa uu hogaamin doonaa hay’adda sharcidejinta, sidaa awgeed Dadka Soomaaliyeed iyo Xildhibaanda Golaha Shacabka waxa aan ugu baaqayaa in lagu garab galo gudoomiyaha waajibaadkiisa Qaran ee la saaray si dhamaanteen aan u wada guuleysano”.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka ayaa ciidamada amniga iyo shacabka Soomaaliyeed ku amaanay ugana mahad celiyay sida ay uga wada shaqaynayaan sugidda amniga doorashooyinka dalka.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

TOOS U DAAWO:-Xafladda Caleema-saarka ah ee Madaxweynaha cusub ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
- Feb 22, 2017
  https://www.youtube.com/watch?v=WCYmiN48vNA  
DEG-DEG:-Ra’isulwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn oo goor dhaw soo gaarey magaalada Muqdisho
- Feb 22, 2017
Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho soo gaaray Ra'isul Wasaaraha xukuumada Itoobiya , waxaana garoonka Diyaaradaha ...
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo goor dhaw soo gaarey magaalada Muqdisho
- Feb 22, 2017
Waxaa goor dhaw Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho soo gaarey Diyaarad siddey Madaxweynaha ...