TOPNEWS:-Dil Ka Dhacay Bosaaso & Qofkii Ka Danbeeyay Oo La Qabtay
Xog An Ka Helynay Bosaaso ayaa sheegaya in Gudaha Magaalada lagu dilay labo qof rag ah Dilka Ayaa Ka Dhacay Goob Lagu Ciyaarayay Dubnad ayna dilkooda fuliyeen Dabley Bistoolado ku hubeysan oo ka baxsatay goobta dilkan ka dhacay.
Wararka ayaa sheegaya in ay ciidamada Amnigu hadda wadaan howlgalo ay ku baadi-goobayaan kooxihii ka dambeeyey falkan.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ragga la dilay ahaayeen ciidamada Difaaca ee Puntland, balse Saraakiisha ciidamada amniga oo aan la xariirnay wey ka gaabsadeen in ay faahfaahin ka bixiyaan arrimahan.
War an ka helnay lamaha amaanka Magaalada bosaaso ayaa sheegaya in gacanta lagu dhigay qof dil ka gaystay gudaha bosaaso Dilka ayaa la sheegay inuu salka ku hayo aano qabiil sida shegeen lamaha amaanka bosaaso