DEG-DEG:-Prof.Maxamed Cismaan Jawaari oo mar kale ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Soomaaliya
Waxaa goordhaw la soo gaba gabeeyay tirinta codadka Xildhibaanada Baarlamaanka federaalka ee maanta dooranayay Gudoomiyaha cusub Baralamaanka 10-aad ee Soomaaliya.
Doorashada gudoonka Baarlamaanka ayaa waxaa ku tartamayeen afar musharax, oo labo kamid ah ay ahaayeen kuwo aad u culus.
Natiijada Doorashadani oo lagu dhawaaqay ayaa wareegii hore ee Doorashada waxaa ku guuleestay Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo helay codad gaaraya 141, iyadoo halka musharax kusoo xigay ee Xildhibaan Xidig uu helay 97 cod.
Hadaba Doorashada oo ahayd mid si fudud loogu kala Baxay ayaanatiijadu waxa ay u dhacday sida tan.
1-Prof. Max’ed Cismaan Jawaari 141-Cod
2-C/rashiid Max’ed Xidig 97-cod
3-C/fitaax Max’ed Ibraahim (Geesey) 17-cod
4-Idiris Aadan Dhakhtar 2-cod.