Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO:Magaalada Baardheere oo looga dhawaaqey Guddiga Gurmadka Abaaraha(SAWIRRO)

Iyadoo Marba ka dambeysa ay ka sii dareyso Abaarta daran ee ka taagan
deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Gedo ayaa waxaa markii ugu
horeysay mudo ka badan ilaa 5 sanno,gudaha magaalada Baardheere looga
dhawaaqey gudiga Gurmadka Abaaraha.

Ku dhawaaqida Gudigan ayaa waxaa uu ka dambeeyey kulamo maalmahii u
dambeeyey Gudaha Magaalada Baardheere ay ku lahaayeen Odyaasha
dhaqanka,Ganacsatada,gudiiyada
Beeraleyda,haweenka,Aqoonyahanada,Culama udiinka iyo Waxgarka
deegaanka,kuwaasi oo ka wada hadlayey sidii loogu gurman lahaa dadka
ay abaarta sida daran u saameysay.

Labadii bilood ee ugu dambeeyey ayaa gudaha magaalada Baardheere waxaa
soo buux dhaafiyey Boqolaal Qoys oo ay dhaafeen xoolahii ay
dhaqanayeen,kuwaasi oo ka kala imaanaya dhulka miyiga ah ee ku teedsan
degmooyinka Baardheere,Garbahaarey,Buurdhuubo,Baladxaawo iyo
Ceelcade,kuwaasi oo xaaladoodu ay mareyso meeshii ugu
adkeyd,mushkilada ugu daran ee dadka ay qabaan ayaa waxaa ugu weyn
Cunno la,aan,biyo la,aan,adeegyo caafimaad la,aan iyo Hoy la,aan.

Gudiga gurmadka abaaraha degmada Baardheere oo ka kooban ilaa 7
Xubnood ayaa u howgeli doona sidii gurmad Bini,aadinimo loola gaari
lahaa dadka ay sida ba,an u saameysay Abaarta ka taagan
Degaanka,waxayna kala yihiin Magacyadooda .

1-Bashiir Nuur Amed –Gudoomiye
2-Faarax Hire Guhaad-Ku xigeen
3-Saacid Abshir Cartan-Khasnaji
4-Axmed Cumar Ibraahin-Xoghayn
5-Maxamed Ibraahin Macuush,Xubin
6-Ismaaciil Cumar Macalin   “
7-Xuseen Aden Warsame.

Ugu danbeyntii,Gudiga gurmadka Abaaraha degmada Baardheere ayaa ugu
baaqay Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dalka dibadiisa, hay’adaha
gargaarka iyo Ganacsatada Soomaaliyeed inay sida ugu dhaqsiyaha badan
ugu soo gurmadaan dadka la daala dhacaya abaarta,islamarkaana gacan ka
geystaan sidii dadkaasi loo samata bixin lahaa.

 

Axmed Cumar Saalixi
Baardheere/Gedo
Saalixi225@hotmail.com

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

MUUQAAL: Amiirka Dalka Qadar oo soo Dhowayn yaab leh kala kulmay Dalkiisa, iyo Soomaali ka dareen Celisay
- Sep 25, 2017
Waxaa Guud ahaanba dalka Qadar siwayn looga dareemay soo dhowaynta Amiirka Dalka Qadar Sheekh ...
SEATTLE: Caleemo Saarka Boqorka Qurba Joogta Suber Awal Aqoonyahan Ahmed Ali Liiban(VIDEO)
- Sep 25, 2017
https://youtu.be/hzZDMpj6yl4
DHAGEYSO:-Madaxweynaha galmudug oo cadaado ku laabtay isaga oo xanaaqsan
- Sep 24, 2017
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada magaalada ...