Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Dhagayso:- Khadbadii Jawaari ee maanta Baarlamanka Cusub ka horjeediyey.

Waxaa maanta xarunta Baarlamanka dawlada federalka Soomaaliya ka socda dhagaysiga Khadbadaha musharaxiinta u tartamaya gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya.

Gudoomiyihii hore Baarlankii Waqtigiisu dhamaaday Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa maanta ka horjeediyey Khadbad dhinacyo badan taabanaysa taas oo ay uga hadlayo arimo badan.

Wuxuu soo hadal qaaday Maxamed Shiikh Cismaan Heshiisyadii Soomaaliya iyo Soomaaliland wuxuuna xusay inaysan sinaba u kala Maarmin Soomaaliland iyo Soomaaliya.

Xildhibaan Jawaari ayaa dhanka kale wuxuu ka hadlay waxyaalo uu sheegay inay hirgalin waayeen xiligii ka dhamaaday maamulkooda kuwaas oo uu xusay inay ugu waynayd kala qaybsanaanta Baarlamanka wuxuuna kula dar-daarmay inay noqdaan kuwo isku xiran.

Xilka gudoomiyaha Baarlamanka iyo ku xigeenkiisa ayaa waxaa u tartamaya in kabadan 21-Musharax.

Hoos ka dhagayso Codka Jawaari

 

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Abdalla says:

    waxaa uu yahay faashilka koowaad ee dalka iyo dadkaba fashiliyay waa beenlow ay dheertahay qabyaalad looga adagyahay iyo tuugnimo.

    waa daanyeer aan xishoon oo aan aqoon hogaaminta barlamaan lagu soo dhisay qabyaalad amaba si kale hadii aan u fasiro aan aqoon waajibaadka loo doortay waxa ay yihiin.
    waa ruuxa intii uu codbaahiyaha qaatay magaalada baydhabo wixii uu sheegaayay la la yaabay asagoo sheeganaya in uu yahay gudoomiyaha barlamaanka federaaliga ah
    waa ruuxa abuuray khilaafaadka ay soo martay dowladdii damuljadiika dhacday iyo asagoo aan u laheen awood iyo goaan kagaarid arimihii tirada aqalka sare ee deegaanada waqooyisida ay beelaha dega oo aan aheen hal beel oo uu daanyeernimadiisa go aan aga soo saaray oo mushkilad horleh sameeyay .
    kan waa mid ku guuldaraystay inti uu hogaaminayay barlamaanka waa laba wajiile aan aaminsaneen dhaarti uu dhaartay yaanuu been idiin sheegin waad la wada socotaan khaldaadkii badnaa ee ummadda ka galay ma istaahilo in la gu aamino xitaa meel duurjogta lagu xanaaneeyo waa tanag duleela oo sikastoo aad wax ugu sheegto ayan ku istaageen waayo waa tuug ilaah rasuulkiisa aan aaminsaneen.
    waa khaain isla markaana ay ku caddahay sadaxda calaamadood ee uu munuufuq leeyahay.
    xildhibaanada nasiibka u helay maanta in ay doortaan ruux afarta sano ee soo socda hogaamiya barlamaanka waxaan ku soo darsanaynaa fikirka ah in aynan dooran daanyeerkaan horay u soo guuldaraystay.
    wabilaahi towfiiq.




ad

Latest News

SAWIRRO:- Ra’iisul-wasaaraha Soomaliya oo Kormeer Shaqo ku tagey qaar ka mid ah Xarumaha Ciidamada Dawladda ee Magaalada Muqdisho
- Jul 24, 2017
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa galabta kormeer ...
DEG-DEG:-Maleeshiyaad Hubeysan oo dad uu ka mid yahay Ganacsade caan ahaa ku dilay magaalada Caabudwaaq
- Jul 23, 2017
Wararka ka imaanaya Degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Mleeshiyaad bhubeysan ay ...
TOP-DHAGEYSO:-Eng Idiris”Duqeynta Shacabka Gedo iyo dhoofinta Dhuxusha Kismaayo Xisaab ayaa ka dambeysa”
- Jul 23, 2017
Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanada ka soo jeeda Gobolada Jubooyinka oo kulan ku yeeshay Dalka Finland ...