Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO VIDEO:-Beesha Maxamuud Ibraahim ee Majeerteen oo Bayaan ka soo saartey xaaladda guud ee maamulka Puntland

Beesha Maxamuud Ibraahim oo ka mid Beelaha Majeerteen ee dega gobalka Mudug ayaa Bayaan ka soo saartey xaaladda guud ee Puntland, kuwaasoo Beelaha dhistay maamulka Puntland ugu baaqay inay ka shaqeeyaan samata bixinta Puntland.

Kulankaan ay Beesha Maxamuud Ibraahim ka soo saartey bayaanka ayaa ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kaasoo ay ka soo qayb galeen, Cuqey, Isimo, Nabaddoono, Samaddoono, Aqoonyahanno, Indheergarad, Dhalinyaro, Haween iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee  waxgaradka Beesha Maxamuud Ibraahim.

Nabaddoon Faarax Sanwayne oo ka mid ah Odayaashii Dhaqanka ee Beesha Maxamuud Ibraahim oo kulankaan ka hadlay ayaa sheegay in Xukuumadda Puntland aanay marnaba waxba ka qaban xaaladda amni ee gobalka Mudug iyo abaaraha ku habsaday gobalka iyo dilalka qorshaysan ee mar walba ka dhaca magaalada Boosaaso.

Caaqil Saciid Xasan Cali oo ka mid ahaa waxgaradkii kulankaan ka hadlay ayaa isagana sheegay in Beesha Caalamka ay la qaybsanayaan welwelka ay ka muujisay Sharci ahaanta Doorshadii Aqalka Sare, taasoo uu ku sheegay mid aan waafaqsanayn Dastuurka Fedaraalka ah.

Ugu dambayntii waxaa halkaas laga akhriyay Bayaankii ay si wadar ah Beesha Maxamuud Ibraahim uga soo saartey xaaladda guud ee Puntland, kaasoo uu halkaas ka akhriyay Wasiiru-dawlihii hore ee Wasaaradda Duulista Hawada ee Puntland Cabdirshiid Maxamed Qaawane.

 

.

Daahir F. Afdheere

Email.owsame1@yahoo.com

————————–

Saadaal.com

Saadaalnews@gmail.com

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Wasiirka Arimaha gudaha Koonfur galbeed oo Socdaal ku maraya Gobolada Maamulkaasi,
- Jun 23, 2018
Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha gudaha Koonfur galbeed Soomaaliya Maxamed Nuur Madoobe Nuunoow ayaa ...
MUUQAAL:- War uu ku farxay madaxweyne gaas oo ka soo baxay guddiga doorashooyinka
- Jun 23, 2018
https://youtu.be/H62c14ZKZ04
DAAWO SAWIRRO:-Caasimada Puntland ee garoowe oo heshay Isbadel ka kooban 11 Qodob
- Jun 23, 2018
Garowe, 23, June, 2018 - Tan iyo markii uu Madaxwaynaha Dowladda Puntland C/weli Gaas ...