Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

AKHRISO:-Qormo xiiso leh oo laga qoray Madaxweynihii hore ee Marxuum Gen. M. Siyaad Barre W/Q. Axmed M. Xasan (Dhega-dalool)

Xasuus reeb: Maxamed Siyaad Barre 1969–1991.

Maalintii aan askariga ahaa ilaa maanta oo aan madaxwayne ahay, mushaar aan leeyahay waligay uma xaadirin.

Xigasho: Ambassador Xuseen Cali Ducaale “Cawil”

Goor saacadu ay ahayd 8:00-dii fiidnimo sanadkii 1976-dii ayaan salaan oogu imid madaxwayne Maxamed siyaad Barre, aniga oo kolkaa ka imid magaalada Nairobo oo aan ka ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, waxa aan lasoo istaagay madaxwaynaha oo cashaynaya, waxaa horyaalay xoogaa cambuulo ah & waslad hibil ah, waxa uu igu yidhi Danjire soo dhawoow nolosha aan ku noolahay waa sidan.

Danjire maalintii aan askariga ahaa ilaa & maanta oo aan madaxwayne ahay mushaar aan leeyahay waligay uma xaadirin, mushaarkayga waxaa qaadan jirtay ilaa maantana qaadata xaaskayga Khadiijo Macalin.

Shayga lacag la yidhaahdo maba arag mana aqaano, hantina haba yaraatee ma lihi, markii aan Booliska ahayn ayaa saraakhiisha sar-sare ee Booliska la siiyay min hal boos oo dhul ah, aniga booskaygii aan ku lahaa wadada Maka Al-mukarama waxaan oogu deeqay ururka shaqaalaha oo xafiisyo ka dhistay, waxaa sidaa yidhi AUN Maxamed Siyaad Barre,

FG: Waxaa xusid mudan booskaas inuu ku yaalo halka maanta loo yaqaano guriga shaqaalaha kuna yaala is-gooyska shaqaalaha ee dagmada Hodan, booskaas mulkiyadiisa inuu Maxamed Siyaad iska lahaa ooguna deeqay ururka shaqaalaha, waxaa xaqiijiyay dad badan oo taariikhda Soomaaliya aruuriya, sidoo kale masuuliyiin badan oo xilal kala duwan kasoo qabtay dalka xiligii kacaanka & ka horba iyaguna way xaqiiyeen taariikhda booskaas.

Sidoo kale waxaa jirtay in uu boqorka immaaraadka carabta Sheekh Sayid Bin Nahyaan u yeedhay danjirihii Soomaaliya waqtigaa u fadhiyay Abu Dabai,Danjire Cabdi Nuur, waxa uu Sheekh Nahyaan waydiiyay danjiraha labo su,aalood.

1-Madaxwayne Maxamed Siyaad Barre imisa caruur ah ayuu leeyahay? Waxa uu danjiruhu boqorka ugu jawaabay inuu leeyahay ilaa labaatameeyo caruur ah.

2-Madaxwaynuhu hanti isaga u gaar ah ma leeyahay? Waxa uu danjiruhu boqorka ugu jawaabay in uusan haba yaraatee wax hanti ah lahayn, hadii uu maanta xilka iska dhiibo xataa uusan haysan guri uu dago oo isagu leeyahay.

Sheekh Nahyaan madaxa ayuu ruxay, isaga oo ka naxsan arintan danjiruhu u sheegay. Nahyaan xoghayntiisi ayuu amar siiyay. waxa danjirihii loo dhiibay jeeg uu ku qoranyahay Maxamed Siyaad Barre oo shan malyan oo dollar ah 5.000.000$. .

Danjire Cabdinuur waxa uu usoo duulay Muqdisho waxa uu jeegii farta ka saaray Maxamed Siyaad Barre isaga oo uga waramay sababta keentay inuu Sheekh Nahyaan jeegan usoo diro markii uu ooga waramay inuusan shaqsiyan wax hanti ah uusan haysan,

Golihii xukuumada ayuu Maxamed Siyaad Barre arintii uga waramay jeegiina waxa uu ku wareejiyay wasiirka maaliyada si lacagtaas khasnada dawlada loogu shubo.

FG: Qisadan oo sidaas u qoran waxaa laga soo wariyay Ambassador Xuseen Cali Ducaale “Cawil” oo isagu xiligaas goob-joog ahaa, hadana ku sugan magaalada Hargaysa, waxaa sidoo kale qisadan xaqiijiyay oo ka markhaati kacay Ambassador Cabdinuur oo ahaa danjirihii waqtigaas jeega uu usoo dhiibay Sheekh Nahyaan,

sidoo kale masuuliyiin kala duwan oo xilal sare ka hayay dawladii kacaanka waxay dhamaantoon isla qireen in lacagtaas shanta malyan ah ay jirtay oo run ahayd ugu dambayntiina lacagtaas loogu deeqay shirkadii Soomaali Airline.

Hadaba arinta xiisaha leh ee qisadaan looga faa,iidaysan karo waxaa weeye xukun jacaylka & damaacigu inay labo kala yihiin, waxaana halkaa kaaga cad allaha u naxariisto Maxamed Siyaad Barre si kasta oo uu xukunka u jeclaa haddana inuusan damaaci badnayn oo uusan marnaba isku dayin inuu xoolo tabcado, halka madaxda maanta joogta ay dhamaantood xukunka u galaan inay hanti badan aruursadaan, kuna raaxaystaan hantida umada muddada ay xilka hayaan.

Xukun jacaylku ceeb ma aha, laakiin damaaciga xoolo dadwayne aruursiga ah ayaa ceeb & dambi ah.

 

Waxaa diyaariyay Axmed Maxamed Xasan

Copenhagen Denmark

Ahmed3151@gmail.com

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:- Wariye Rooble Mohamed Dirir oo ka Mida Wariyaasha Galmudug oo labo Sano in ka Badan ku jira Xabsi ku Yaal Jabuuti maxkamad la,aan
- May 23, 2017
in ka Badan labo Sano Waxa Xabsi ku jira Wariye Rooble Maxamed Dirir oo ...
Muuqaal: Dhacdo Murugo iyo Yaab leh Gabadh Reer Hargeisa oo Jeclaatay wiil GABOOYE ah iyo Waxa ay La Kulantay
- May 23, 2017
Rooda Mukhtaar Yuusuf oo ku nool Hargeysa, ayaa qoyskeedu jidh dil u geysteen kadib ...
SAWIRO:-Puntland oo sanad barwaaqo ah gashay
- May 22, 2017
Meelo badan oo kamid ah Gobolada Puntland waxaa kada,ay Roobabkii gu,ga waxaana Baliyada iyo ...