Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

AKHRISO:-Qormo Xiiso leh oo laga qoray Marxuum Gen. Maxamed Nuur Shareeco W/Q. Axmed Maxamed Xasan (Dhega-dalool)

Xasuus reeb: “u sheeg agoonta aan taariikhda aabahood aqoon ”

Maqal & muuqaal kala meeqaan badan, waxaa jirta xikmad odhanaysa kun eray oo aad maqashay waxaa ka qiima badan hal sawir oo aad aragtay, sidaa darteed waxii aad maqashay dan ooga bax hadii aadan daliil u haynin, laakiin bulshada gaadhsii waxii aad goob-joog ka ahayd adiga oo Allaha subxaana watacaalaa ooga baqaya runtana sheegaya.

Sawirkan idiin muuqda Allaha u naxariisto janadii fardowsana haka waraabiyo, waa Sareeye Guuto Maxamed Nuur Xasan Axmed (Shareeco)

General Maxamed Nuur Shareeco waxaa uu ahaa Abwaan & sidoo kale sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamadii xooga dalka Soomaaliyeed, waxuu ahaa muwaadin Soomaaliyeed oo ku dayasho mudan, waxa uu in badan isku dayay inuu mideeyo quluubta dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan,

General Maxamed Nuur Shareeco waxa uu ahaa shaqsi aad ooga fog qabyaalada & qof jeclaysiga, muddadii aan aqaanay waligay ma aanan maqlin isaga oo qof waydiinaya qabiilkiisa mana aanan arkin hal qof oo isaga ku qoys ama ku qabiil ah oo kamid ah shaqaalaha xafiiskiisa ama kuwa gurigiisa, dhamaan dadkii lasoo shaqeeyay waxay ahaayeen Soomaali isku dhaf ah oo dhamaantood deegaan ahaan kasoo jeeday magaalada Xamar & agagaarkeeda, kuma jirin hal qof oo isaga ku qoys ah.

Halkan kuma soo koobi karo hogaaminta & dhaqankii wanaagsanaa ee General Maxamed Nuur Shareeco uu kaga duwanaa madaxdii Soomaalida ee xiligaas majaraha u haysay hogaanka dalka, balse waxaan isku dayi doonaa koow iyo labo inaan ka xuso waxii aan ka xasuusto astaamaha aan is leeyahay ku dayasho ayay mudanyihiin.

>>Sida aan wada ognahay Generaaladii ciidamadii xooga dalka Soomaaliyeed intooda badan waxaa lagu ilaalin jiray gawaari gaashaaman ee loo yaqaan Baroonka, ama waxa ay wadan jireen Staff/Waardiye u gaar ah,laakiin General Maxamed Nuur Shareeco waxa uu ahaa Generalka kaliya ee aanan waligii lagu arkin ama aan samaysan waxa loo yaqaano Staff ama Waardiyaha madaxda daba socda, waxa uu ahaa sarkaal xataa saqda dhexe kaligii socda oo aan haba yaraatee cabsi ka qabin bulshada Soomaaliyeed.

>>Sidoo kale maxadkii dalka badankood waxay lahaayeen hal ilaa laba darawal, halka qaar ay lahaayeen ilaa sadex darawal, balse General Maxamed Nuur Shareeco waxa uu ahaa Generalka kaliya ee aanan waligii samaysan darawal u gaar ah oo gaariga u wada, waxa uu jeclaa had & goor inuu isagu kaxaysto gaarigiisa, waxaan goob-joog ka ahaa maalin nin sarkaah ah uu waydiiyay Generaalka sababta uusan u doonayn Staff & Darawal isaga u gaar ah,maadaama nabad galyadii dalku sii xumaanayso oo ay badatay dhacii gaadiidka khaasatan gawaadhida loo yaqaanay land Cruiser,

General Maxamed Nuur Shareeco waxa uu ku jawaabay ma jirto cid aan dakano ka qabo oo aan ka baqayo inay i dhacdo ama i disho sidaa darteed, waa damiir xumo shaqsi kula mid ah inuu saacado badan kulayka cadceeda kugu sugo adiga oo shir ama shaqo ku jira.

>>General Maxamed Nuur Shareeco, sidoo kale waxuu ahaa shaqsi aad u dhawra shuruucda dalka u dagan oo aan jeclayn in sharciga lagu xad-gudbo,waxaan xasuustaa maalin maalmaha kamid ah ayaa AUN Generalku waxa uu shir ku lahaa wasaarada Gaashaandhiga, balantu waxay ahayd inaan gaadhiga kasoo celiyo oo aan hawl meel kale uga soo qabto, Generalku sida caadiga ahayd wuu labisnaa, isaga ayaana gaadhiga waday. aniga & allaha u naxariisto Maxamed Faarax Afdheere (Xabis) oo horay u ahaa ciidamada laakiin ka ruqsaystay mudo ka hor, askar ma aanan ahayn oo waxa aan qabnay dhar caadi ah waxaan kala fadhinay kursiga kale ee dhinaca darawalka & kursiga dambe, waxaan gaadhnay xaruntii wasaarada gaashaandhiga, sarkaalkii Kaamboostaha ka ahaa irida wasaarada Gaashaandhiga ayaa waxa uu yiri taliye daji nimankaan dharka cad sharcigu ma ogola nin dhar cad inuu galo wasaarada gudaheeda, hadii uusan wadanin warqad shaqo, si xushmad leh ayuu u waydiistay sarkaalkii oo uu ku yiri, nimanku gaadhiga ayay iga soo celinayaan ee masii dhex joogi doonaan wasaarada dhexdeeda ee nasii daa, kaamboostihii wuu ku adkaystay go,aankiisi, General Shareeco isaga oo dhawraya sharciga dalka ayuu gaadhigii kaga dagay halkii irida ahayd oo isaga uu lugaynaya kaligii gudaha u galay wasaarada, aniga & Maxamed Faarax oo gaadhigii watanana halkii ayaan dib uga soo laabtay .

>>Ku adkaanshaha & ilaalinta sharciga ee General Maxamed Nuur Shareeco kuma aysan koobnayn xafiisyada dawlada oo qudha, ee qoyskiisa & caruurtiisa intaba kama uusan yeeli jirin wax aan sharciga waafaqsanayn,

Dhacdada kale ee sida aadka ii xiiso galisay xiligaas waxay ahayd, waxaa jiray wiil sarkaal ahaa oo uu dhalay General Maxamed Nuur Shareeco, magaciisuna ahaa Cabdi Shareeco, Cabdi dugisagiisi sare kadib waxuu ka mid ahaa dhalinyaro loo qaatay layli sarkaal, Cabdi markii uu kuliyada ka qalin jabiyay ee uu noqday sarkaal waxaa loo badalay gobalada dhexe ama gobolada waqooyi midkood,runtii ma xasuusto dhab ahaan meeshii ay ahayd.laakiin labadaas meelood midkood ayay ahayd.

Cabdi waxaa ku adkaatay nolosha markaas ka jirtay meeshii loo badalay, waxayna daruuftu ku kaliftay amar la,aan inuu iskaga soo tago meeshi, kuna kusoo laabto magaalada Xamar, markii guriga uu yimid aabihii waxa uu waydiiyay miyaa lagu soo badalay mise fasax ayaad ku timid? Cabdi waxa uu ku jawaabay maya aabo waan iskaga soo tagay Meesha meel la joog karo ma aha, isla saacadii General Maxamed Nuur Shareeco wiilkiisi isaga oo aan galaas biyo ah cabin ayuu kexeeyay, waxa uu ku xidhay xabsi ku yaalay wasaarada gaashaandhiga kadibna subaxii dambe waxa uu ku celiyay halkii uu kasoo tagay, waxa uuna kula dardaarmay marka si sharci ah laguu soo badalo ama aad fasax soo qaadato imoow guriga, laakiin sharci daro marnaba igula joogi maysid, laga yaabo Cabdi Shareeco maalintaas inuu si kale u arkay arinta aabihii ku sameeyay, laakiin maanta waloow aanan maanta Cabdi meelna ku ogayn waxaan qiyaasayaa inuu maanta garawsanyahay saraynta sharciga & waxii maalintaa lagula dhaqmay inay sax ahaayeen.

>>Goor galab ah ayaan ka baxnay magaalada Xamar anagga kusii jeedna Goof lo’da lagu xanaaneeyo oo General Maxamed Nuur Shareeco ku lahaa meel dhanka bidix kaga beegan Ceelasha Biyaha ee magalaada Muqdisho, waa marka loo socdo dhanka Afgooye waxaan dhagaysanayay Idaacadii Radio Muqshisho, waxaa soo gashay hees ay qaadaysay allaha u naxariisto Xaliimo Khaliif Magool oo magaceedu ahaa, Maxaad Taqaan?.waxa ay tiri sidan, Tab & xoogiyo tamaradeenu isku tagtaan talo goynee loo taaganyee maxaad taqaan? General Maxamed Nuur Shareeco, aad ayuu madaxa u gilgilay waxa uuna isaga oo kaligii is hadlaya yiri, (Su,aashaas jawaabteedii wali dadku garanin) in badan oo ay qusaysana way u sacabbo tumayaan, heesta iyaga oo aan macnaheeda garan.

Nasiib-darro ma aanan helin fursad aan ku waydiino jawaabta uu tabayay Generaalku markaas, laakiin dhawr & labaatan sano kadib waxaan garawsaday, inuu dhaliilsanaa aqoon-darrada ku baahday maamulka dalka qaybihiisa kala duwan, kalmada maxaad taqaana lagu dhaqmi waayay oo badalkeeda lagu dhaqmayay yaa ku yaqaan.

Waxaan kusoo gunaanadayaa dabcan dalka way soo mareen rag badan oo General Maxamed Nuur Shareeco oo kale ah amaantuna ma aha mid isaga ku gaar ah, ee waxaa la wadaaga intii isaga la midka ahayd dhamaantoodna amaan & ku dayasho labadaba way mudanyihiin, laakiin Ujeeadadaydu waxaa weeye oo aan wali quud-daraynayaa inaan maalin uun arko hogaamiye Soomaaliyeed oo ku dhaqma dhaqankii iyo hogaankii allaha u naxariisto General Maxamed Nuur Shareeco & raggii isaga lamidka ahaa.

 

 

Axmed Maxamed Xasan (dheg-dalool)

Copenhagen Denmark

Ahmed3151@gmail.com

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta K/Galbeed oo cambaareeyay Go’aanka Shariif Xasan uu ku taageeray Isbahaysiga Sacuudiga
- Sep 19, 2017
Waxgarad iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda reer Koonfur Galbeed ayaa si wayn uga soo ...
DAAWO:-Ugaas Maxamed Weli oo Si Iskumid ah Ula Hadlay Xasan Sheekh iyo Madaxweynihii uu soo Dhisay ee Farmaajo”
- Sep 19, 2017
Qabyaalad iyo dan gaar ahi haku harto, Ugaas Maxamed weli Xasan Sheekh iyo Madaxweynihii ...
DEG DEG:-Dagaal Culus oo hada ka Socda Duleedka Degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo”
- Sep 19, 2017
wararka ka imaanaya Degmada Beled xaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Dagaal Culus ...