Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO SAWIRRO:-Axmed Madoobe oo kulan degdeg ah oo xasaasi ah la qaatey golihiisa wasiirada

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Shir Gudoomiyay kulan aan caadi ahayn oo Golaha Wasiirada ay ka yeesheen Xaaladahii ugu danbeeyay gaar ahaan Dagaalo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay qaybo kamid ah Jubbada Hoose.

Kulankan oo ay goob joog ka ahaayen Labada Madaxweyne ku xigeen iyo dhamaan Xubnaha Golaha ee aan hawlaha shaqo dalka kaga maqnayn ayaa waxaa Madaxweynahu uu Wasiirada uga xog waramay xaaladahii u danbeeyay ee Gobolka Jubada Hoose gaar ahaan Dagaalo adag oo Ciidamada qalabka sida ay la galeen Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dagaalo adag oo ka dhacay deeganada Beerxaani iyo Golashimbi ay Ciidamada qalabka sida halkaas ku dileen qaar badan oo kamid ah Kooxaha Nabad diidka ah oo dhibaato badan ku hayay dadka Xoolo dhaqatada ah.

Waxa uu xusay in ay Tallaabo adag Ciidamadu ka qaadeen oo ay ka soo furteen qaar badan oo kamid ah Xoolahii ay afduubka u haysteen kuwa kalena ay ku daba jiraan.

Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Jubbaland ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in dadka deeganku ay diyaar u yihiin in ay Al-Shabaab la dagaalamaan qaar badan oo kamid ahna la hubeeyay si ay isku difaacan

.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo Cadaado Gaaray
- May 29, 2017
Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland iyo  wafdi ay hoggaaminayaan  ayaa waxa ay gaareen Magaalada Cadaado ...
Qatar oo wadahadalsiinaysa Shabaab iyo dowladda Soomaaliya
- May 29, 2017
Dowladda Qadar ayaa markii ugu horeysay Shaacisay in ay doonayso in ay wadahadal siiso ...
MUUQAAL:-Sheekhul-baledka magaalada Hargeysa oo si adag uga digay Sheekh Cabdi-Xaq oo Biyo ku rusheeyey Somaliland
- May 29, 2017
https://youtu.be/GEYVAZ1K3pM