Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

QORMO XASAASI AH:-Galmudug waxay caqabad ku tahay hannaanka dimuqraadiyadda iyo nabad-dhiska Soomaaliya

Dib-u-hehiisiinta,illaalinta nabadda,degganaanshaha siyaasadda iyo dhawrista  hannaanka dimuqraadiyadda oo doorasho xalaal ah loo maraa waa dariiqa ugu habboon ee lagu xaqiijin karo dawladnimo sugan ee Soomaliya.  Dhanka kale, dagaal-oogidda, carqalladeynta hannaanka doorashada, ku xad-gudubka xuquuqda dimuqraadigaa ee shakhsiga/bulshada,laalush qaadashada,dhiiri-gelinta fawdhada iyo gabood-falku waa horseedka dawlad-burburka (State Failure), waxaana loo aqoonsan yahay dembi caalami ah oo mudan ciqaab degdeg ah ee fulinteeda adduunku ku ballamay in wadajir la isaga kaashado.

Galmudug waxay caan ku tahay;

1 . Dagaalka ay kula jirto dadkeeda sida dagaalladii ka dhacay Dhuusa-Marreeb, Caabud-waaq iyo Godin-Labe oo midkoodna ayan ku  sugneyn Al-Shabaab halkaasoo dad rayid ah ay waxyeelo culus ka soo gaartay.Iyo,

2.Carqaladeynta habsami u socodka hannaanka doorashada Soomaliya.

a) .Guddiga Doorashada Dadban ee heer Dawlad-Goboleed kuma xirna oo kama amar qaato kan heer Federal.

b). Madaxa Xaafiiska Xallinta  Khilaafaadka Doorashada Galmudug waa la handaday oo si degdeg ah baa looga  tarxiillay magaalada Cadaado si gabood-falka fursad loogu helo.

c). Habraaca doorashada ee aqoonsan Ugaasyada beelaha, saxiixayaasha, ergooyinka wadajirkaa, daah-furnaanta,qoondada dumarka iyo codka qarsoodigaa laguma dhaqmo.Waxaa la weriyey in murashixiinta qaar ay ayagu la yimaadeen  ergooyinkii dooran lahaa oo kuwo kalena si degdeg ah gacan-taag loogu doortay.Ergooyinkii saxda ahaa qaar baa toogasho waxaa ku dilay ciidamo ka amar qaata Madaxtooyada Galmudug oo an cidna loo qaban.AUN.

Kuraasta qaar baa lagu kala gatay laaluush ka badan US$1.5Million.

d).Ugu yaraan 25 Kursi ee Barlamaanka Galmudug lagu soo xulay ah baa dacweysan oo hortaal Guddiga Khilaafaadka si go’aan looga gaaro.

Bulshada caalamka ee Soomaliya daneysaa waa la socdaan sida dhaqanka Galmudug yahay . Gaar ahaan Safaaradda Maraykanka, Ingiriiska iyo Wakiilka Gaarkaa ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Somalia waa ku ammaanan yihiin tillaabooyinka ay qaadeen iyo dareenka ay muujiyeenba.

Haddaba, si dembiyada ka dhacay Galmudug ee dhiska dawladnimo Soomaliya iyo xuquuqda aadanaha lidka ku ahi ayan u duugoobin, waa in dadka  dhibaatooyinka iyo gabood-falka loo geystay ay qoraan oo ayan qarin waxay la kulmeen . Sidoo kale, waa in shaqsiyaadka xushmada ku leh caalamka ee warkooda la dhageysanayo iyo ururada bulshadu ay iska kaashadaan sidii ay codkooda wadajir  kor ugu qaadi lahaayeen si caalamku  u maqlo oo natiijo wax ku ool ahi uga dhalato.

Haddii hawshaasi dariiqa ay hadda ku taagan tahay ayan ka weecan oo dadaalka loo baahan yahay la geliyo,waxaa hubaal ah in halleeyayaasha(Spoilers ) Soomaliya cashar adag loo dhigi doono. Waa in hantidooda la xayiraa, socodkooda la xadidaa oo Documents-kooda (Passaports) la dhaqan-tiraa/nasakhaa. Sidaasi waa sida caalamku kula xisaabtamo dadka xad-gudubka caadeystay oo halista ku ah dawladnimo dib uga dhalata adduunka burburku ka dhacay.isla-xisaabtanku waa muhiim si loo helo  dawladnimo Soomaliya ka hana-qaadda.

.

Daahir F. Afdheere

Email.owsame1@yahoo.com

——————-

Saadaal.com

Saadaalnews@gmail.com

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO+SAWIRO:-Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed oo soo dhaweeyay Dib-U-Eegista Dastuurka
- Nov 19, 2017
Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga La-socodka Dastuurka ee Baarlamaanka, iyo Guddiga Madaxabanaan ee dib-u-eegista Dastuurka ...
TOPNEWS:-Golaha Wasiiradda Dawladda Puntland oo Shir Aan Caadi Ahayn Ku Ansixiyey Misaaniyadda Dawladda Puntland Ee Sanadda 2018
- Nov 19, 2017
 
DHAGEYSO:-Kalfadhigii 23 ee golaha degaaanka garoowe oo furmay & wixii looga hadlay
- Nov 19, 2017
Kalfadhigii 23 ee golaha degaaanka garoowe ayaa manata ka furmay magaalad agaaroowe waxaana ka ...