Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

TOP-KHORMO MUHIIM AH:-Dowlada Galmudug oo Mudo Kooban Horumaro la Taaban karo ka Sameysay Galgaduud iyo Mudug”

Dowlada Goboleedka Galmudug oo jira mudo Yar aya horumar ka sameeyay Dhinacyo badan oo lagu tilmaamay in shaqada ay Qabteen Madaxda Talo Wadaagta la ah Bulshada Gobolada Galgaduud iyo Mudug ay tahay mid Aan Mudo Kooban lagu Qaban karin,

Dowlada oo la kulantay Caqabado kala duwan ayaan hakad gelin horumarka is badajooga ah taasi oo keentay inay Dadka ka soo jeeda Galmudug ee Qurba joogta ahaa in badan oo ka mid ahayd ku soo laabtaan Deegaanadii ay ku dhasheen oo ay Bilaabaan Dadaalo lagu horumarinayo Deegaanadaasi,

Waxaa laga Tilmaami karaa inay Dowlada Galmudug Caqabadaha kala duwan ee ay Habka Xirfada iyo Cilmigu ku dheehan yihiin uga gudbeed Dagaaladii Adkaa ee ka soo Wajahay Maamulka Puntland oo Weeraro Culus ay Ciidamadiisu ku soo Qaadeen Magaalada Gaalkacyo.

sidoo kale Maleeshiyaadka Fadhigoodu yahay Magaalada Dhuusamareeb ayaa Qalalaaso Amni ka ku sameeyay Bulshada Galmudug kuwaasi oo ay Dowladu ka Eriday Deegaanka Godin labe ee Gobolka Galgaduud iyadoo ay sidoo kale dhan Galisay Qorshihii loogu Magac Daray (Jidgooyo Diid) oo Suurageliyay in Wadooyinka Galgaduud iyo Mudug laga Waayo Isbarooyinkii dadku ka Cabanayeen,

waxaa Dowlad Goboleedku dhiira gelin u sameeyay Ganacsatada Soomaaliyeed ee ka soo jeeda Deegaanada Galmudug oo si aan Baqdin lahayn ugu dhiiraday Haatan inay Adeegyo Ganacsi oo Xoogan la yimaadaan Magaalooyinka Dowladu Nabadeysay ee ay ka mid tahay Cadaado,

Waxaa lagu Guuleystay Nabadeynta Beelaha SOomaaliyeed ee Daga Galgaduud iyo Mudug oo qaarkood Mudo ka Badan 20-sano Colaado soo Jiitamayay ay u dhexeeyeen kuwaasi oo Shirar Nabadeed oo loo sameeyay Kadib wada Saxiixay Heshiisyo Nabadeed oo lagu wada Qanacsan yahay,

Waxaa Madaxda Dowlada Galmudug ay Rajo Ganacsi oo Balaaran ku Abuureen Shacabka Markii ay Hey’ado iyo Dowlado Caalami ah Kormeer ku yimaadeen Dekeda Magaalada Hobyo oo la filayo in dhawaan hab Casri ah loo Dhiso Taasi oo Niyad Jebineysa kuwa ka Naxa Houmarka Galmudug,

Sanadka 2017- ayaa la filayaa inay bilowdaan Mashaariic Horumarineed oo Dowlada Galmudug ay keentay Deegaanada Galgaduud iyo Mudug kuwaasi oo Qaarkood ay dadku ka Faa’iideysteen waxaana ka mid ah Daryeel heer sare ah oo lagu sameeyay Xarumaha Waxbarashada ee Deegaanada Galmudug iyo Ceelal Biyaha laga Cabo oo laga Qoday in ka badan 10-Deegaan oo dadku Cabashooyin ka soo gudbiyeen halka ay Degaanada Qaarna ka socoto Qodista Ceelasha,

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

Akhriso:-Wasaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland oo shaacisay Imtixaamadkii sanad dugsiyeedka 2016-2017
- Apr 24, 2017
Gudoomeyeyaasha Waxbarsahada Goboladda, degmooyinka iyo maamulayaasha dugsiyada waxay si buuxda ayey fuliyeen , iyagoo ...
Akhriso:-Ujeedka Xildhibaano Mooshin Cusub Gudbiyay
- Apr 24, 2017
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa waxay inoo xaqiijiyeen in Xildhibano ka tirsan Guddiga Difaaca ...
SAWIRO:-Afar Nin oo ka tirsan Kooxda Alshabaab oo la toogtay
- Apr 24, 2017
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 60-aad ayaa xukun Dil ah ku fulisay 4 Nin ...