Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DHAGAYSO+SAWIRRO Garbahaarey:Isbitaalka Cusub ee Jaalle Siyaad oo Daryeel Caafimaad u sameeyey Bukaano danyar u badan

Isbitaalkan ayaa dhismihiisa iyo dayactirkiisa la soo bilaabay muddo hadda laga joogo ilaa 2 sanno , dhaqaalaha ku baxay ayaa lagu sheegay inuu gaarayey ilaa 300 kun oo dolar,dhaqaalahaasi ayaa waxaa iska soo ururiyey Qurba joogta ka soo jeeda gobolka ee degan dalka dibadiisa,waxuuna ka kooban yahay Isbitaalku ilaa  49 qol oo kala ah qeybta Jiifka bukaanada,Qeybta sheybaarka,Raajada,Computarka,Qeybta dhaqtarka,Qeybta qaliinka,Qeybta dhalmada iyo Qeybta Daawada.
Dhaqtiirta iyo howlwadeenada Caafimaadka Isbitaalka ayaa waxay sheegeen bishii Oktoobar ee aynu soo dhaafney in Isbitaalku uu qaabiley 400 oo ruux,oo isugu jirey rag iyo dumar ,waxuuna u sameeyey daaweyn,waxaana sidoo kale uu Qaliino u sameeyey ilaa 40 ruux oo isugu jira rag iyo dumar,dhamaan adeegyadaasi ayey sheegeen in ay ahaayeen kuwo lacag la,aan ah,waxaana howlahaasi si tabarucaad ah u fulinayey dhaqaatiir soomaaliyeed ee ka kala yimid dalka dibadiisa iyo gudahiisa .
Maxamed Idiris  waa Aabe 30 jir ah,wuxuu ka mid yahay 40 bukaan oo markii ugu horaysay loogu sameeyey daaweyn iyo qaliimo kala duwan isbitaalka Garbahaarey uu sameeyey,waxuuna ku nool yahay Xaafada busul ee degmada Garbahaarey waxuuna mudo ka badan ilaa 8 sanno uu la xanuunsanaa Buro uga soo baxdey Madaxa,isagoo aanan haysan daawo, haysan dhaqaale uu ku aado gobollada kale, haddase noqotay dadkii ugu horeeyey ee isbitaalkaani fursadda Qaliinka iyo daaweynta siiyey.
Weli Maxamuud Cigaal waa Agaasimaha Isbitaalka Jaalle Siyaad ee Garbahaarey,waxaana uu Radiyaha ERGO uga warbixiyey baahida keentay in Isbitaalkani la furo iyo adeegyada Caafimaad ee uu u qabtey Bulshad ku dhaqan Garbahaarey iyo deegaanada kale ee Gobolka.
Weli Maxamuud  ayaa waxaa uu intaasi ku darey Isbitaalka uu u baahan yahay cid si rasmi ah u gacan qabata si uu u guto shaqadiisa joogtada ah ,isuguna taago cagahiisa,isagoona dhinaca kalena u mahadceliyey gudiyadiii suurta geliyey inuu isbitaalka soo gaaro heerkan.
Isku daygani ayaa ah kii ugu ballaarnaa ee laga hergeliyo muddo ka badan ilaa 25 sanno,degmo ka mid ah degmooyinka Gobolka Gedo oo  bukaano ka badan 400 oo ruux mudo bil ah loogu sameeyo adeegyo caafimaad oo lacag la,aan ah,waxayna arintani wax ka badashey Baahidii iyo dhibaatadii caafimaad  ee dadku ay qabeen .
HOOS KA DHAGEYSO

 

This slideshow requires JavaScript.

img_20161105_173007 img_20161105_173006 img_20161105_121454 img_20161103_090121 img_20161103_084217 img_20161103_075412 img_20161103_075434-copy img_20161103_075434 img_20161103_084001-copy img_20161103_084001 img_20161103_075412-copy img_20161030_111006 img_20161030_111006-copy img_20161029_174622

Exif_JPEG_420

Exif_JPEG_420

img_20161004_165936 img_20161004_165955-copy img_20161004_165955

Exif_JPEG_420

Exif_JPEG_420

Axmed Cumar Saalixi
Radio,ERGO-Baardheere
Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Xildhibaan Xasan Cabdi “Qofka Aan Waajibkiisa Gudan Waa Lala Xisaabtamayaa”
- Dec 13, 2018
Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ...
DHAGEYSO:-Somaliland oo ka jawaabatay war ka soo yeedhay wasiirka kaluumaysiga Somalia
- Dec 13, 2018
Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Maamulka Somaliland Xasan Gaafaadhi, ayaa sheegay in aanu khusayn ...
DHAGEYSO:-Ambassador C/salaan Xaaji “Madaxweyne Farmaajo Ha Dejiyo Xaaladda Siyaasadeed”
- Dec 13, 2018
Ambassador C/salaan Xaaji ayaa ka hadlay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ...