Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Ra’isulwasaarihii hore ee Dr. Cabdi Faarax Shirdon (Saacid) oo ah Musharax u taagan Doorashada Madaxweyne ee Soomaaliya

Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdon (Saacid)  ayaa ah Musharax u taagan Doorashada  Madaxweyne ee lagu wado inay dhacdo sanadkaan 2016.

Dr. Cabdi Faarax Shirdon (Saacid) oo lagu tiriyo inuu yahay mid ka mid ah Ra’isulwasaarayaahii ugu macquulsanaa ee soo maray Soomaaliya ayaa codsi uga yimid shacabka Soomaaliyeed darteed mar labaad isu soo taagay Doorashada Madaxweyne Soomaaliya.

Musharaxa Madaxweyne ee Dr. Cabdi Faarax Shirdon (Saacid) oo aqoon sare iyo waaya’aragnimo u leh Nidaamka Dawliga ah ayaa isagu wax wayn ka bedeli karo xaaladda adag ee uu maanta dalka ku sugan yahay.

Musharaxa Dr. Shirdon ayaa haddii uu guulayso Doorashada Madaxaxweyne ee dalka aad loogu rajo weyn yahay inuu la imaan doono arimaha ay ka midka yihiin:- Siyaasad deggan, Sugidda amniga iyo hirgelinta caddaaladda, Hurumar dhaqaale iyo hufnaan maaliyadeed, Maamul wanaag iyo xiriir caalami iyo Midnimo Qaran oo sugan.

Waxaa Musharaxa Madaxweyne ee Dr. Shirdon aad loogu xasuustaa in Xukuumaddii Ra’isulwasaaraha ka ahaa ay la timid wax qabad dhab ah oo la taaban karo, kaasoo aanay cidina inkiri karin

HOOS KA AKHRISO WAXQABADKII XUKUUMADDA DR. SAACID SHIRDON

Waxaa waqtigii xukuumaddii aan garwadeenka ka ahaa lagu xusuusan karaa dhacdooyin la xiriira taariikh ugub ah, waxqabad, dhaqan suuban ee dawladeed iyo duug hara, sida;

1). U bareeriddi inaan xaqiiqdeena ku tashano oo dhisno xukuumaddii ugu koobneyd,oo tayo leh uguna miisaaneyd ee Soomaaliya kana koobneyd 10 (toban) Wasiir oo qura.

2).  Dhaqan tirkii habka 4.5 ee calaamadda u ahaa inaan beelaha Soomaaliyeed xukunka u sinneyn. maanta, awood qeybsiga dhanka xukuumadda, wax nus ahi ma jiraan oo beesha 5aad waxay la mid tahay beelaha kale.

3). Ka qeyb-gelinta dumarka talada iyo siyaasadda dalka oo gaartay meeshii u sarreysay taariikhdeena oo ah 20% tirada golaha iyo jagada Ra’isul-waasre ku-xigeenimo.

4). Kala soocidda hawlaha kala duwan ee dawladda- sida xukuumadda iyo tan golaha sharci-dejinta, si loo horumariyo mabda’a isla xisaabtaanka. Wasiirka Caddaaladda oo qura baa ka ahaa golaha asalkaa (10) ee xukuumaddaydii xubin Golaha Shacabka.

5). Waxaan dhisay qaab ahaan dawlad wadaag ah oo loo dhan yahay. Taasoo ah dawladda ugu habboon ee maanta na anfici karta. Waxaan laaley ama meesha ka saaray fekreddii ahayd ma i dhistay/codeysay mise waad iga safatay/codeysay. Wasiiro ka tirsan axsaab kala duwan iyo kuwo aan isku murashax Madaxweyne aheyn baa golaha ku wada jirey oo si hufan u soo wada shaqeeyey.

6). Xasillinta iyo isu-furidda magaalo madaxda Xamar oo kala qoqobneyd ayna tiilay in ka badan 60 (lixdan) jid-gooyo/ isbaaro oo si sharci darro ah ay uga soo xarooto lacag dhan US$1million bishiiba.

7). Qaadistii cuna-qabateyntii hubka ee saarneyd Soomaaliya in ka badan muddo 20 (labaatan) sano ah.

8). Tiro-koobkii,qalabeyntii iyo mushaar bixin joogta ah ee ciidamadda qalabka sida. Iyo xoreyntii deegaano kala duwan-sida; Balcad, Marka, Baydhabo iyo degaanada u dexeeya.

9). Qarameynta qorshada xasillinta dalka (Stabilization Plan) oo micnaheedu ahaa xasillinta dhulalka gacanta dawladda soo gala iyo fududeynta maamul dhiska dalka ha loo daayo DFS

10). Safaradii baahsanaa ee mamulada, goballada iyo magalooyinka dalka: Puntland, Galmudug, Ximan iyo Xeeb, Dhuusa-Mareb, Caabud-Waaq, Beledweyne, Jowhar, Balcad, Afgooye, Marka, Baydhabo, Garbahaarey, Kismaayo iyo meelo kale. Booqashooyinka baaxadaas lahaa, waa markii u horeysay oo lagu dhaqaaqay ilaa burburkii . Ujeedaduna waxay ahayd in dadka la dhageysto lana taabsiiyo in dowladnimadu tahay wax ay leeyihin oo loogu adeegayo

11). Dadaaladii loo galay xaqiijinta midnimo iyo dib-u-heshusiin shaqaysa ee tallo ku timid,sida; shirka Istanbul, Addis-Ababa, iyo heshiisyada xukuumadda iyo Ahlu-Sunna ee Caabud-Waaq iyo Garbahaarey

12). Bilowgii mashruuca “Aada Dugsiyada” oo loo qorsheeyey in ka badan hal milyan oo arday ahi in ay helaan waxbarasho lacag la’aan ah. Iyo, dib-u-nooleynta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS)

13). Qorsheynta iyo hirgelinta Barnaamijka Daryeelka Caafimaadka Aasaasiga ah (Essential Package of Health Services) ee gobollada dalka. Waa qorshe caafimaad ee waxtar ah lana awoodo baahintiisa

14). Fekredda iyo bilowga abaabulka qorshe ballaaran oo ah in biyo nadiif ah la wada gaarsiiyo bulshada ayadoon loo eegayn siyaasad. Qeybtii 1aad ee ka koobneyd 160 (Boqol iyo Lixdan) Ceelal oo dhaadheer (dhamaan Soamaliya) ayaan la saxiixanay Bangiga Islaamka (Jidda, Saudi Arabia). Qorshe kale ee sii ambaqaadaya isla hiigsiga yoolkan, waxaan la bilownay Ururka Wadamada Islaamka (OIC)

15). Adeegga Boostada: Dib-u-soo-celintii xubinimadeenii buuxday ee Adeegga Boostada Caalamigaa (Universal Postal Service-UPS) oo aynu ka maqneyn muddo 20 sano ka badan. Hammigu wuxuu ahaa in adeeggu wada gaaro Somalia: magaalo iyo tuulaba

16). abashadii shirweynihiisSiyaasadda, amniga, waxbarashada iyo caafimaadka, si siyaasadda dalka loogu jaangooyo tallada dadka

17). Heshiiskii dib-u-soo-celinta maamulka hawada Soomaaliya (Air Space) iyo dakhligii laga helayba muddo 20 sano ka badan

18). Kororka iyo tayeynta maamulka iyo shuruucda maaliyadda dalka. Dakhliga bil-laha ah wuxuu kordhay US$2.5 ilaa US$12 million intii u dhexeysay Oktoobar 2012- Septembar 2013. Dhanka kale, waxaa dib u soo laabtay kalsoonidii iyo wada-shaqeyntii hey’adaha maaliyada (IMF,WB,ADB) ee caalamigaa iyo Soomaaliya

19). Korista dhaqaalaha, shaqo abuurka, maalgashiga, iyo dhaqdhaqaaqa dadka iyo badeecadahaba

20). In ka badan 25 hindise sharciyeed iyo heshisiiyo caalami ah baa xukuumaddu u gudbisay Barlamaanka. Tani waa maqaam sare ee ayan gaarsiisneyn wadamada xaaladaha caadiga ah ku jira qaarkood, kana tarjumaysa hammiga ah sarreynta iyo ku dhaqanka sharciga

21). Diyaarinta fekredda iyo document-ka Hiigsiga Cusub (New Deal Compact) ee wadajir Soomaaliya iyo caalamku isula ogalaadeen shirkii Brussels ee September 16, 2013, halkaasoo lagu yaboohay maaliyad dhan US$2.4 Billion, kaddib markii lagu qancay dadaalka iyo horumarka ay dowladdu sameysay

22). Aqoonsigii USA, UK iyo wadamo kale ee reer galbeed ah, iyo in ka badan 16 dal ee daafaha caalamka ee si rasmi ah ugu soo magacawday danajirayaal Soomaaliya..

Haddaan  soo gaabsho, wax qabadkaas dhaxal galka ah iyo kuwo kale oo anan halkan ku soo wada koobi karin waxay ku suurtagaleen wada-shaqeyntii fiicnayd iyo mas’uuliyad wadareedkii naga dhexeeyey aniga iyo golahayga wasiirada iyo madaxdii kale ee dalka oo aan dhamaantood uga mahadnaqayo sidii habbooneyd oon u wada gudanay mas’uuliyaddii qaranka.

                                                                             DHAMMAAD

 

 

saacid22

.

Daahir F. Afdheere

Email.owsame 1@yahoo.com

—————————————

Saadaal.com

Saadaalnews@gmail.com

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

Dhagayso:- Xildhibaan dhaqtar oo Baarlamanka iyo shirkada ku booriyay Caawinta Shacabka Soomaaliyeed ay abaaruhu Ku habsadeeyn
- Jan 24, 2017
Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya ayaa waxa uu ka ...
Daawo Wareysi Xiise Badan Oo Lala Yeeshay Wasiirka Wasaaradda Socdaalka & Jinsiyadaha Canada
- Jan 24, 2017
https://youtu.be/p6w2RLhvcbk
Warbixinta Machadka CDRC-Itoobiya iyo Doorashada Soomaaliya
- Jan 24, 2017
Machadka CDRC ee dalka Itoobiya ayaa soo saaray warbixin dheer oo lagu falanqeeyay arrimaha ...