Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Maxaad ka ogtahay xaalada macalimiinta dugsiyada sare ee Gedo??

Gobalka Gedo wuxuu ka mid yahay meelaha ay sida dheeraadka ah u saameeyeen colaadahi sokeeyo. Waxaa si gaar ah dhib u gaaray wax barashada iyo iskoolada wuxuuna aad ooga dib dhacay qaar ka mid ah gobolada kale ee dalka. Gedo ayaanan yeelan wax dugsi sare ah ilaa laga soo gaarayay 2003 markaas kii ugu horeeyay laga hirgaliyay Baardheere. Waqtigaas wixii ka danbeeyay waxaa si dhex-dhexaad ah u korayay dugsiyada sare ee gobal laga hir galinayay. Maadaama aysan iskoolo hore ka jirin gobalku, macalimiinta lagu furay dugsiyadaan ayaa ahaa kuwa laga keenay gobollo kale, mararka qaar wadamo kale sida Kenya.

Keenitaanka macalimiinta ayaa ahaa culeys weyn o saaran dugsiyada. Hadaba, waxaan baaritaan ku samaynay horumarka ay sameeyeen dugsiyada sare xaga macalimiinta. Baaritaankaan oo ay samaysay hay’ada Himilo Trust oo ah hay’ad ka shaqayso wax barashada ayaa lagu eegay isu dheeli-tirnaanta macalimiinta iyo ardadada dugsiyada sare, mushaarka macalimiinta, aqoontooda iyo meelaha ay kasoo jeedaan.

Baaritaankaan oo lagu saleeyay xog aruurin laga qaaday sadex dugsi-sare ee gobalka ku yaal ayaa looga gol leeyahay in lagu eego xaalada macalimiinta ka shaqeey dugsiayadaan iyo bal in laga kaaftoomay macalimiinti meelaha kale laga dooni jiray taasoo caqabad weyn ku ahayd helitaanka macalimiin tayyo leh. Halkaan ayaan idiinku soo gudbinayaa nuxurka baaritaankaas oo kooban.

Dhamaan magaalooyinka Gobalka Gedo ayaa leh iskoolo sare marki laga reebo Balad-xaawo, Ceel-Waaq, Doolow iyo Buurdhuubo. Waxaa xusid mudan in dagmooyinkaan aan hadda lahayn dugsiyada sare, aysan waligood yeelan xataa waqtigii dowlada dhexe ay jirtay. Sababta dhabta ah ee keentay nooma cadda waxayna u baahantahay baaritaan dheeraad ah. Dugsiyada sare ee ka furan gobalka dhamaantod waa kuwa ay furteen dadka deegaan inkastoo qaar ka mid ah ay kaalmo dhaqaale iyo mid figradeed ay ka heleen jaaliyada dibada. Qarashka iskooladan ku baxo inta badan waxaa lagu bixiyaa lacag laga qaado ardada laakiin waxaa sidoo kale jiro lacago ay bixiyaan hay’ado caalami ah sida hay’ada NCA oo iskoolada qaar taageerto iyo jaaliyadaha dibada sida Himilo Trust oo qaybo iskooladaan ka mid ah taageerto. Ma jiraan dugsiyo sare oo bilaash lagu dhigto, dhamaan ardaduna waa kuwo lacag laga qaado.

Macalimiinta

Baaritaankaan ayaa lagu ogaaday in dhamaan macalimiinta wax ka dhigo dugsiyadaan ay kasoo jeedaan gobalka Gedo, inkastoo ay jiraan labo macalin oo meel kale ka yimid laakiin deegaanoobay maadaama ay ku noolaayeen gobal muddo dheer kuna guursadeen. Inkastoo ay ree Gedo yihiin, macalimiintaan maahan kuwa ka baxay dugsiyada sare ee Gedo balse waxay isgugu jiraan kuwa kasoo noqday xeryahay xaqootiga ee Kenya ka furan, kuwa wax barasho Kenya ugu maqnaa ama qoysaskooda ay deganaayeen Kenya iyo kuwa wax kusoo bartay goballada kale ee dalka iyo waliba qaar ka yimid wadamada carabta.

Helitaanka macalimiin gobalka kasoo jeedo ayaa culeys weyn ka dulqaaday dugsiyada, maadaama lagu dhib qabay in la helo macalin koyto ku yimid inuu joogo muddo badan, dhib badana lagu qabay raadintooda iyo keenistooda. Marar badan waxaa dhici jiray inaysan soo laaban marki ay fasax aadaan halka marar qaar ay iska bixi jireen iskoolada oo furan. Intaas waxaa dheer in maamulda dugsiyada culeys badan uu ka haystay sugida amaanka macalimiintaan oo laga yaabo in loo bar tilmaamaysto siyaabo kala duwan sida qabiilkooda ama afkaartoda diimeed.

Heer ka aqoonta macalimiinta

Xogtaan ayaa lagu ogaaday in macalimiinta wax ka dhigto dugsiyada sare ee Gedo 50% ay haystaan shahaadada heer koobaad ee jaamacada (degree) halka 32% ay haystaan diploma inta soo hartayna (18%) ay ka baxeen dugsi sare kaliya (tiradaan waa celcelis. Iskoolada qaar ayaa dhamaan macalimiintooda ay haystaan degree). Qaadashada macalimiintaan ayaa aqontooda ka sokow waxaa lagu qiimeeyaa khibrada macalinimo ee ay leeyihiin iyo tabarada ay soo qaateen.

Mushaarka macalimiinta

Macalimiinta dugsiyada sare ayaa qaato mushaar ku filan. Xog aruurintaan waxay tusaysaa in celcelis ahaan mushaarka macalinku yahay $394 bishii. Macalinka ugu mushaarka badan wuxuu qaataa $720 halka kan ugu hooseeyo uu qaato $300 (FG iskoolada qaar macalinka ugu mushaarka yar wuxuu qaataa $500). Mushaarka macalimiinta ayaa lagu saleeyaa khibradooda macalinimo, iyo maadooyinka ay dhigaan. Sidoo kale waxaa samayn ku leh, deegaanka uu macalinka ka noqonayo. Tusaale, baaritikaan wuxuu tusayaa in macalimiinta wax ka dhigto magaalooyinka yar-yar ay ka mushaar badan yihiin kuwa magaalooyinka waa-weyn. Waxaa laga yaabaa inay arintaan keentay ka caga jiidka macalimiinta ay ka caga jiidayaan dhulka fog oo ay is leeyihiin waxaa ku yar furadaha horumarineed.

Mushaarka macalimiinta maahan mid hooseye marki lagu qiimeeyo duruufaha dhaqaale ee dalka ka jiro iyo waliba marki la garab dhigo qaar ka mid ah wadamada ku yaal Bariga Afrika. Dakhli sanadeedka shaqsiga Soomaaliya (income per capita) ayaa lagu qiyaasaa $435 (World Bank 2016).

Saamiga ardayga iyo macalinka (students-teacher ratio) ayaa ah 15:1. Macnaha halki macalin wuxuu wax u dhigaa 15 arday taasoo ah mid aad u hoosayso, marki la bar-bar dhigo wadama kale ee Afrika iyo waliba qiyaaska ay u dhigtay UNESCO. Tusaale, Kenya oo ah wadan ugu dhaqaalaha badan Bariga afrika, xaga aqoontana lagu tiriyo inuu yahay kan ugu sareeyo ayaa macalinkii wax u dhigaa 41 arday (41:1). Qiyaaska UNESCO ayaa ah 24:1. Saamigan hooseeye ayaa ah mid sii badinayo mushaarka waayo macalin wax u dhigo cel-celis ahaa 15 arday kaliya qaatana $390 waa mid aad u wanaagsan.

Saamiga arday-macalinka hooseeyo maahan mid uu keenay dadaal ka yimid maamulada dugsiyada ee waxay u muuqataa inuu yahay mid ka dhashay yaraanta ardada dhigato dugsiyada sare. Inta badan dugsiyada hoose ee gobalka ayaa ah kuwa un jiro toban sano iyo wax ka yar taasoo keentay in un dhawaan la helo arday u gudubto dugsi sare. Sidoo dhamaan ardada ka baxdo dugsiyada hoose ma sii wataan wax barashadooda ee in badan ayaa halkaas ooga haro. Intaas waxaa dheer oo iyana samayn weyn ku leh cadadka aradada dugsiyada sare lacagta ardada laga qaato taasoo ah mid aad ugu badan waalidiinta. Iskoolka ugu raqiisan wuxuu qaadaa $20 ardaygiiba. Hadii waalid ay shan canug u dhigtaan dugsiga hoose way ku adagtahay inuu u wada diro dugsi sare taaso noqonayso inuu bil walba fee-gooda kaliya ku bixiyo $100.

Dhaliil

Inkastoo horumar weyn ay sameeyeen dugsiyada sare ee gobalka Gedo marki la eego xaga macalimiinta hadana ma dhaliil la’a. dhaliilaha ugu weyn xaga macalimiinta ayaa ah inaysan jirin wax tababar ah oo la siiyo macalimiinta dugsiyada sare, macalin walbana wuxuu la joogaa intuu la yimid oo wax aqoon dheereaad ah ma korsado inta uu macalinka ka yahahy dugsiydaan. Tababar la’aanta macalimiinta waxay samayn weyn ku leedahay tayyada aqoonta ay ardadu helayaan. Sidoo kale waxay saameyn ku leedahay joogitaanka macalimiinta waayo hadii aysan u muuqan macalinku wax u kordhayo intuu macalinka yahay wuxuu ku dadaalayaa inuu shaqo kale raadsado ama meel kale u shaqo doonto.

Tababar la’aanta macalimiintu waa mid la fahmi karo, eedeeda oo dhanna ma lahan maamulada dugsiyada balse waa caqabad ka dhalatay arimo dhowr ah oo is kaashaday sida amaan la’aanta gobalka ka jirto, maamul la’aanta iyo waliba inaan la heli Karin qarashka ku baxayo tababarka.

Gunaanad

Gobalka Gedo wuxuu sameeyay horumar kooban oo xaga wax barashada ah. Marki la eego duruufaha dhaqaale iyo colaadaha aan dhamaadka lahayn ee gobalka soo maray ilaa hadana ka jiro, waxaa la dhihi karaa gobalku wuxuu ku talaabsaday horunmar balaaran oo xaga wax barashada ah. Meelaha wax barashadu sida weyn ooga muuqato waxa ka mid ah dugsiyada sare oo kaalimo sar-sare ka galo imtixaanka guud ee dalka. Dugsiyada sare ayaa horumar dhex-dhexaad ah balse joogta ah samaynayay sanadihii noo danbeeyay. Meelaha horumarka la taaban karo ay ka gaareen waxaa ka mid ah macalimiinta oo ay ku guulaysteen inay soo jiitaan macalimiin gobalka u dhalatay aqoontooduna sarayso. Aqoonta, mushaarka iyo saamiga ardayda iyo macalimiinta ayaa dhamaan ah kuwa wanaagsan oo laga maqsuudo. Haddii xaalka sida u hadda yahay kusii socdo waxaa la filayaa in waqti kooban ay dugsiyada sare kusoo saari doonaan arday tayyo sare leh oo hanan karta nidaamka wax barasho ee gobalka iyo mida dalkaba.

Xariiriyaan fur hadii aad rabto inad sii aqriso xogaha aan kor ku xusay qaar ka mid ah.

https://knoema.com/atlas/Kenya/Pupil-teacher-ratio-secondary.

http://www.worldbank.org/en/country/somalia/overview.

W/Q Ibraahim Xaaji Aaden

24/08/16

Ishire86@gmail.com

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

MUUQAAL:-Saleebaan xagla toosiye oo war lama filaan ah Ku dhawaaqay iyo in uu tagayo garoowe
- Jun 19, 2018
Wasiirkii hore ee wasaaradda caafimaadka maamulka Soomaaliland Dr Saleebaan Ciise Xagla-toosiye ayaa ka hadlay ...
DAAWO SAWIRRO:-Ra’iisul Wasaare Khayre oo Oslo Kula Kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay
- Jun 19, 2018
Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Oslo ee dalka ...
MUUQAAL:-Cabdi Ibraahim Warsame Qowdhan”Hadii aan sool laga saarin somaliland nugaal ayay imaan doonaan”
- Jun 19, 2018
Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda Maaliyada Puntland DR. Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan) oo ...