Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO SAWIRRO:-Xaflad ballaaran oo lagu Daahfurayay Xisbiga Daryeelka Soomaaliyeed oo ka dhacday magaalada Birmingham

Xaflad ballaaran oo lagu daahfurayay Xisbi cusub oo loogu magac daray Xisbiga Daryeelka Soomaaliyeed ayaa habeenkii Sabtida ahayd oo ku beegan 18.6.2016 ka dhacday magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska.

Xafladdaan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay qaar ka mid ah qaybaha kala duwan ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ingiriiska, kuwaasoo taageero aad u weyn u muujiyey Xisbiga Cusub ee Daryeelka Soomaaliyeed.

Waxaa ugu horeyntii Xafladdaan Daahfurka ah ka hadlay Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada ee Xafladda Xasan Xuseen Abuukar (iligeey), kaasoo halkaas kasoo jeediyey hadal kooban ku wajahan furitaanka xafladda.

Waxaa sidoo kale Xafladdaan ka soo qayb galey Guddoomiyaha Haweenka ee jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ingiriiska Qaali Xasan Caddoow (Beerlula), taasoo halkaas kasoo jeedisay hadallo qiiro leh oo ku wajahan taageerada ay u hayso Xisbiga Cusub ee Daryeelka Soomaaliyeed.

Waxaa hakaas ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Daryeelka Soomaaliyeed Shariif Axmed Cumar (Shariif Axmaddey), isla markaana ah Guddoomiyaha Golaha Guurtida Soomaaliyeed ee Ingiriiska, kaasoo hadal yar oo kooban oo uu halkaas ka jeediyey Xisbiga Daryeelka ku tilmaamey inuu yahay Jaranjaradii looga gudbi lahaa qabiilka, isla markaana lagu gaari lahaa qaranimada.

Waxaa xafladdaan Goobjooge ka ahaa marti sharaf ay ka mid ahaayeen Agaasimaha Xiriirka Arimaha Dibadda ee gobalka Banaadir Cabdullaahi Xaaji Ciise iyo Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ingiriiska Cabdullaahi Maxamed Aadan (Salaamullaah), kuwaasoo halkaas ka soo jeediyey hadallo waxgal ah oo isugu jiro taageero iyo dhiirigalinba.

Ma’ ahayn wax qoraal lagu wada xusi karo dhammaan dadkii Xafladdaan ka hadlay iyo wixii ay ka yiraahdeen, hase yeeshee waxaa kale oo mid ahaa.

1). Eng. Maxamed Axmed Rooble oo ah Xoghayaha Xisbiga Daryeelka

2). Xasan Basri oo ah Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Birmingham

3). Cali Carraale Maxamed oo ah xubin ka mid ah Golaha Dhexe ee Xisbiga Daryeelka

4). Gen. Axmed Maxamed Goonyare

5). Miski Xaaji Cumar

Waxaa gebagabadii Xafladda hadalka qaatey Guddoomiyaha Xisbiga Daryeelka Soomaaliyeed Dr. Maxamuud Maxamed Maxamuud, kaasoo ugu horeyntii Jaalayaddii ka qayb gashay uga mahadceliyey sida sharafta leh ee ay oga soo qayb galeen xafladda Daahfurka ah iyo taageerada ay u muujiyeen, waxaana uu halkaas ka akhriyey warbixin aad u dheer oo ku wajahan sababta loo aasaasay Xisbiga Daryeelka iyo Ujeedooyinkiisa ama yoolka uu hiigsan doono.

DARYEEL3DARYEELDARYEEL4daryeel17DARYEEL1daryeel9DARYEEL4Daryeel5daryeel7daryeel8daryeel12daryeel14daryeel17DARYEEL10DARYEEL11

 

Daahir. F. Afdheere

Email. owsame1@yahoo.com

Birmingham, United Kingdom

 

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Madaxweynaha Galmudug oo Farmaajo Dartiis u Bedelay Mowqifkiisii Adkaa ee,,,,,,,,,
- Oct 20, 2017
DHAGEYSO:-Madaxweynaha Galmudug oo Farmaajo Dartiis u Bedelay Mowqifkiisii Adkaa ee,,,,,,,,, HALKAAN KA EEG
MUUQAAL:Xubno baarlamaan oo ka socday Israel oo lagu khasbay inay ka baxaan shirkii baarlamaanka adduunka
- Oct 20, 2017
Afhayeenka baarlamaanka dalka Kuweyd Marzouq Al-Ghanim,  oo ka qaybgalay kulankii baarlamaanada adduunka kiisii 137-aad ...
Dhageyso:-Madaxweyne Xaaf Oo Dalbaday In Uu Wadahadal La Galo Dowladda Soomaaliya
- Oct 20, 2017
Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug oo Warbaahinta shir jaraa’id  Qadka taleefonka ugu qabtay ...